Muqdisho,(SONNA):- Dal kasta, awood ahaan, Difaac ahaan iyo horumar ahaan intaba, inkastoo dhallinyarada ay ku kala duwan yihiin wadamada ay joogaan iyo xaaladda ay ku kala sugan yihiin.
Marka aan soo qaadanno dhallinyarada Soomaaliyeed jiilba, jiil wuxuu soo gaaray xaalad uu dalkiisa iyo dadkiisaba uu kula noolaa, labada heer oo la is-garab dhigay ayaa ah dhallinyaradii keentay gobonimada aan ku nool nahay iyo kuwa hadda u jooga xoreynta Khawaarijta hor taagan nabadda iyo horumarka.
Dhallinyaradii isku dhaarsatay in dhiigooda ay u huraan dalkooda una keennaan gobanimo, waa ay suura geliyeen oo taariikhda ay leeyihiin ayaa laga sheekayaa. Hadda waxay su’aal dul taagan tahay in dhallinyardu uu dalku leeyahay laga rabo in dalka ay ka qabtaan Khawaarijta dhiigyo cabka ah si ay u noqdaan kuwo taariikhda baal dahab ah ka gala.
Dalka, waxaa jooga kuwo damiirkooda wali nool yahay, kuwaas oo wacad ku maray guul gobanimo leh ams geeri.
” Nimankaas in la baxshana rag ayaa ka dambeeyay, Dalkaanna rag ayaa iska leh, aniga Hal dardaaran oo kaliya ayaa leeyahay, dadka jaanuusiinta ee Afcad ku suganow shaqadiina wata aniga iyo adinka waa isku dambeynaa, “. ayuu yiri wiil dhallinyaro ah oo u soo banbaxay laaynta argagixisada.
” Qof kasta oo imaan leh ayaa ku samreysa, Khawaarij in ay wax xun tahay dadka bini-adamka ah oo caqiidada Diiniga ah leh waa ogyahay”.
Geesiyaasha baacsanaya Khawaarijta sii dabar go’aya waxaa dhiig kuleel u ah dumar dhiiri gelin la daba jooga, kuwaas oo dhankooda qoryaha ka wata si ay dalka xoreyntiisa uga qeyb qaataan.
“Maaddaama shacabka, marasta iyo waayeelada dhibaato ku hayaan, inta ay ku hayaan ka badan anagana inaan u geysan doono, wallaahi inta waddo ee hadda soo marnay ama deegaan soo marnay waa soo xoreynayo, inta noo dhimanna waa xoreyneynaa,” ayay tiri haweeyney qorig u qaadatay ciribtirka cadowga.
Dhulka keynta ah iyo geedihii ay ku baadi jireen khawaarijta, hadda waxaa ku hoos haryana dhallinyarada dhiigooda u huraya shacabkooda.
” Wiilashaas Soomaaliyeed, Gabdhahaas Soomaaliyeed, hooyooyinka iyo aabayaasha Soomaliyeed inta ay wali dul saaran yihiin wali waxaan dareemeynaa, xanuunkii aan dareemeynay markii aan soo bilaabeynay,” ayuu Generaal Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka.
Dhallinyaradan ciidanka iyo shacabka leh, Khawaarijta hadda waxay ka xoreeyeen deegaanno badan lamana istaagayo inta taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ay Khawaarijta ku harsan tahay.
” Kuwani wax lagu tilmaamo oo kalmad ah, kalmad walba oo lagu tilmaamay ayadaa ka asha-haadaneyso, marka waxaan rabnaa in cadowgaas deegaanada dhan laga xoreynayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan sida ay ugu istaageen waa ku mahadsan yihiin,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Xoreynta socota dhalinyaro badan ayaa ku naf waayay, dhiigoodu wuxuu harsi u yahay Bulsho 15-sano u afduubna Khawaarijta Khawaarijta, wali waxaa jira dhallinyaro kale oo heegan u ah ciribtirka Khawaarijta.