Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay daaha ka qaadaysa ย nooc markab cusub oo ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee loo isticmaalo badda,kaas oo lagu magacaabo SIDA ,isla markaana awood u leh inuu iswado,kuna shaqeeyo garaad maskaxeed macmal ah.
Markabkaan waxaa farsameeyay labo shirkadood oo Turki ah ooย lagu kala magacaabo Ares Shipyard iyo Meteksan, bisha soo socota ayay howlgali doontaa sida qorshuhu yahay.
Khubarada gacanta ku haya farsamada markabkan cusub ayaa sheegay in bisha Maarso la tijaabin doono gentaalada ku rakiban markabkan isaga is- wada, sida uu sheegay maamulaha shirkadda Ares Shipyard Mr. Utku Alanc.
Markabkaan ayaa la filayaa in door weyn uu ka ciyaari doono difaaca dhanka xeebaha badda Mediterranean oo Turkiga isku hayaan dalalka Giriiga iyo France.