Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
Maqaallada

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

By Abdulkadir
Last updated: October 20, 2025
6 Min Read
Share

Waddada Dimuquraaddiyadda.

waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 Sano ka dib.

Waa natiijada dadaal dheer oo jid adag loosoo maray, kaas oo talada loogu celinayo gacmaha Dadwaynaha oo ay ugu danbaysay in ay Codkooda ku goโ€™aamiyaan Madaxdooda 1969-kii.

In milyan Dagan Muqdisho isku diiwaangaliyaan in ay codkooda ku doortaan Madaxdooda kuma imaan si sahal ah, waxeey leedahay micno ka duwan waxkasta oo kale oo ka dhacay Dalka.

  1. Inta aanan eegin farriimaha ay dirayso guushaani, waxaan tilmaan yar ka bixinayaa tusaalooyinka mudan wax ku miisaamista ee lasoo maray si loosoo gaaro natiijada lasoo bandhigay.

Shan talaabo oo ay qaadday Dawladdu si shaqadaani u qabsoonto aan tilmaamo.

1- heshiiska Siyaasadeed ee Doorasho toos ah.

Isaga oo xafiiska jooga wax ka yar Bil ayuu bilaabay Madaxwayne Dr Xasan Shiikh Maxamuud in uu Dawlad-goboleedyada kala heshiiyo nidaamka Doorasho ee uu farayo Dastuurku kuna caddaa balanqaadkiisii Siyaasadeed ee Doorashada si la mid ah Musharaxiintii kale ee 2022. Toban Shir oo uu u qabtay Golaha wadatashiga Qaran wuxuu wadada u xaaray in si siman ay is diiwaangalintu uga bilaabato inta badan Dalka, waa talaabada koowaad ee mudan in taariikhdu meel dhigto,

2- dhamaystirka Sharciyada ay u baahanayd Doorashada Toosan.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo hirgalinaysa Siyaasadda Madaxwaynaha, ayaa diyaarisay ka dibna marisay dhamaan jaranjarooyinka Sharci ee ay ku ansaxayaan Sharciyadu, dabcan iyada oo ka faaiidaysanaysa heshiiska Siyaasiga ah, taas ayaa sabab u noqotay in la galo Doorasho toosan oo leh sal Sharci oo dhamaystiran kuna qotonta Dastuurka,

3- dhismaha Hayโ€™adaha fulinaya Doorashada.

Markii la xaqiijiyay labada qodob ee sare, markale waxaa loo guntaday sidii loo dhisilahaa Hayโ€™adihii hirgalinlahaa Doorashada toosan ee Sharcigu jideeyay si waafaqsan Sharciga iyo Heshiisyada Siyaasadda, juhdi iyo dedaal adag ka dib markale xukuumaddu waxa ay salka u dhigtay Guddiyo haysta awood sharci oo dhamaystiran waana kuwa ugu danbayn galabta soo bandhigay natiijada diiwaangalintii ugu horaysay ee ay fuliyeen.

4- sugista Amniga.

Shaqooyinka aan sare ku xusay, waxaa dhinac socday Dagaal adag oo Dawladdu u gashay in la wiiqo awoodaha carqaladaynkara Amniga Doorashooyinka kuwaas oo ay ugu wayntahay Khawaarijta, ku xigo hubka Sharci darrada ah, lagu daray Tuugada iyo Dambiilyaasha abaabulan, juhdigaas ayaa keenay in Milyan Qof ay si nabadgalyo ah safaf ugu galaan dhamaan degmooyinka Caasimadda muddo ku dhaw Shan Bil oo Allaah fadligiisa aanu dhicin xitaa hal shil oo Amni darro ah.

5- Diyaarinta baahiyaha Agab ee Doorashada.

Si loo fuliyo shaqada Doorashada oo ay diiwaangalintu ugu horayso, waxaa qasab ah in la helo lana daboolo dhamaan baahida Qalab, Xafiis, Shaqaale, Gaadiid iyo adeegyada kale ee la midka ah taas oo u baahnayd Dhaqaale aad u badan, nasiib wanaag, Dawladdu iyada oo isku tashanaysa waxa ay guddiga Doorashooyinka u fududaysay kana dabooshay dhamaan baahiyihii ay qabeen ee dhanka tasiilaadka taas oo keentay in ay si guul leh u gaaraan natiijada Galabta ay soo bandhigeen.

Isku gaynta hawlaha qabsoomay ee aan ku xusay Qormadaan, waxeey run u badaleen Riyo soo taagnayd tan iyo Dawladdii Carta lagusoo dhisay oo waajibka dhamaan Dawladihii kala danbeeyay ay ahayd in ay halkaan Dalka soo gaarsiiyaan balse nasiibka iyo dedaalku ku caawiyay Madaxda Qaranka ee Maanta in ay wadada ku ridaan xaajada.

Qiimaha ay tani ku fadhiso waa mid ka sal balaaran dan Qof iyo Koox, waa tallaabo inoo dhawaynaysa Dawlad sharciyad ka haysata Dadkeeda, waa xaalad ka jawaabaysa himilada Ubadkeenna, sidaas awgeed, waxaan soo jeedinayaa sadex fariin.

1- Masuuliyiinta diidan.

Tani hubaal haddii aanay Maanta idinka farxin barri ayay idinka farxindoontaa, waad ogtihiin in ay tahay jid lagu qasbanyahay, nin unbaana marinlahaa jidkaan adag, haddii Madaxda Maanta joogta ay hiigsigaas albaabkiisa riixeen, dhinacyada la qabta adinka oo filanaya in aad noqonkartaan kuwa miraha gurta.

2- SHacabka.

Muwaadin, tani waa xaqiiqo dhab ah oo dawaynaysa xanuunka Qaran-jabka ee dhamaanteen aan la taahaynay mudada dheer, adiga oo aan ku eegin, aragti Qof, Koox, Qabiil iyo deegaan gaar ah, u arag Mustaqbalkaaga iyo kan Ubadkaaga oo gacantaada soo galaya, sidaas awgeed wixii aad ku darto ha ahaadaan mid horay u wadaysa oo aan dib inoo celinaynin.

Gunaanad, shaki malaha in aynaan Maanta filanaynin wixii ugu wanaagsanaa, shaki malaha in cillado jirikaraan, shaki malaha in aanay naga wada farxindoonin, balse mid kale oo aan shaki lahayn ayaa ah in aanu jirin Khiyaar kale oo ka wanaagsan oo aan ku badalano, waxaan kale oo shaki lahayn in ay tani inoo jiidayso jihada guusha insha allaah.

W/Q: Wasiir kuxigeen Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howlgallada ciidan ee ka socda dalka waa astaanta dhamaadka khawaarijta

Bilooyinkii ugu dambeeyay ,waxaa aad u kordhay qasaaraha iyo jabka loo geystay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,iyagoo waayeen maleeshiyaad badan…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Madaxweyne Xasan Sh.โ€œCid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirtoโ€ (WARBIXIN)

Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 3, 2024

Dagaalka Dalka looga xoreynayo Khawaarijta yuusan Dhab ka ahayn (warbixin).

Muqdisho,(SONNA):- Dhallinyaradii S.Y.L, haddii ay keeneen gobonimo, iyagoo ka hor tagay gumeyste damaciisu ahaa in gacantaย  hoostiisa ay geliyaan madax…

Maqaallada
May 16, 2023

Soomaliya oo taageero dhanka la dagaalanka khawaariijta ka heshay dowladdaha gobolka(Faallo)

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda…

MaqaalladaWararka
February 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023