Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
Maqaallada

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

By Abdulkadir
Last updated: October 20, 2025
6 Min Read
Share

Waddada Dimuquraaddiyadda.

waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 Sano ka dib.

Waa natiijada dadaal dheer oo jid adag loosoo maray, kaas oo talada loogu celinayo gacmaha Dadwaynaha oo ay ugu danbaysay in ay Codkooda ku go’aamiyaan Madaxdooda 1969-kii.

In milyan Dagan Muqdisho isku diiwaangaliyaan in ay codkooda ku doortaan Madaxdooda kuma imaan si sahal ah, waxeey leedahay micno ka duwan waxkasta oo kale oo ka dhacay Dalka.

  1. Inta aanan eegin farriimaha ay dirayso guushaani, waxaan tilmaan yar ka bixinayaa tusaalooyinka mudan wax ku miisaamista ee lasoo maray si loosoo gaaro natiijada lasoo bandhigay.

Shan talaabo oo ay qaadday Dawladdu si shaqadaani u qabsoonto aan tilmaamo.

1- heshiiska Siyaasadeed ee Doorasho toos ah.

Isaga oo xafiiska jooga wax ka yar Bil ayuu bilaabay Madaxwayne Dr Xasan Shiikh Maxamuud in uu Dawlad-goboleedyada kala heshiiyo nidaamka Doorasho ee uu farayo Dastuurku kuna caddaa balanqaadkiisii Siyaasadeed ee Doorashada si la mid ah Musharaxiintii kale ee 2022. Toban Shir oo uu u qabtay Golaha wadatashiga Qaran wuxuu wadada u xaaray in si siman ay is diiwaangalintu uga bilaabato inta badan Dalka, waa talaabada koowaad ee mudan in taariikhdu meel dhigto,

2- dhamaystirka Sharciyada ay u baahanayd Doorashada Toosan.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo hirgalinaysa Siyaasadda Madaxwaynaha, ayaa diyaarisay ka dibna marisay dhamaan jaranjarooyinka Sharci ee ay ku ansaxayaan Sharciyadu, dabcan iyada oo ka faaiidaysanaysa heshiiska Siyaasiga ah, taas ayaa sabab u noqotay in la galo Doorasho toosan oo leh sal Sharci oo dhamaystiran kuna qotonta Dastuurka,

3- dhismaha Hay’adaha fulinaya Doorashada.

Markii la xaqiijiyay labada qodob ee sare, markale waxaa loo guntaday sidii loo dhisilahaa Hay’adihii hirgalinlahaa Doorashada toosan ee Sharcigu jideeyay si waafaqsan Sharciga iyo Heshiisyada Siyaasadda, juhdi iyo dedaal adag ka dib markale xukuumaddu waxa ay salka u dhigtay Guddiyo haysta awood sharci oo dhamaystiran waana kuwa ugu danbayn galabta soo bandhigay natiijada diiwaangalintii ugu horaysay ee ay fuliyeen.

4- sugista Amniga.

Shaqooyinka aan sare ku xusay, waxaa dhinac socday Dagaal adag oo Dawladdu u gashay in la wiiqo awoodaha carqaladaynkara Amniga Doorashooyinka kuwaas oo ay ugu wayntahay Khawaarijta, ku xigo hubka Sharci darrada ah, lagu daray Tuugada iyo Dambiilyaasha abaabulan, juhdigaas ayaa keenay in Milyan Qof ay si nabadgalyo ah safaf ugu galaan dhamaan degmooyinka Caasimadda muddo ku dhaw Shan Bil oo Allaah fadligiisa aanu dhicin xitaa hal shil oo Amni darro ah.

5- Diyaarinta baahiyaha Agab ee Doorashada.

Si loo fuliyo shaqada Doorashada oo ay diiwaangalintu ugu horayso, waxaa qasab ah in la helo lana daboolo dhamaan baahida Qalab, Xafiis, Shaqaale, Gaadiid iyo adeegyada kale ee la midka ah taas oo u baahnayd Dhaqaale aad u badan, nasiib wanaag, Dawladdu iyada oo isku tashanaysa waxa ay guddiga Doorashooyinka u fududaysay kana dabooshay dhamaan baahiyihii ay qabeen ee dhanka tasiilaadka taas oo keentay in ay si guul leh u gaaraan natiijada Galabta ay soo bandhigeen.

Isku gaynta hawlaha qabsoomay ee aan ku xusay Qormadaan, waxeey run u badaleen Riyo soo taagnayd tan iyo Dawladdii Carta lagusoo dhisay oo waajibka dhamaan Dawladihii kala danbeeyay ay ahayd in ay halkaan Dalka soo gaarsiiyaan balse nasiibka iyo dedaalku ku caawiyay Madaxda Qaranka ee Maanta in ay wadada ku ridaan xaajada.

Qiimaha ay tani ku fadhiso waa mid ka sal balaaran dan Qof iyo Koox, waa tallaabo inoo dhawaynaysa Dawlad sharciyad ka haysata Dadkeeda, waa xaalad ka jawaabaysa himilada Ubadkeenna, sidaas awgeed, waxaan soo jeedinayaa sadex fariin.

1- Masuuliyiinta diidan.

Tani hubaal haddii aanay Maanta idinka farxin barri ayay idinka farxindoontaa, waad ogtihiin in ay tahay jid lagu qasbanyahay, nin unbaana marinlahaa jidkaan adag, haddii Madaxda Maanta joogta ay hiigsigaas albaabkiisa riixeen, dhinacyada la qabta adinka oo filanaya in aad noqonkartaan kuwa miraha gurta.

2- SHacabka.

Muwaadin, tani waa xaqiiqo dhab ah oo dawaynaysa xanuunka Qaran-jabka ee dhamaanteen aan la taahaynay mudada dheer, adiga oo aan ku eegin, aragti Qof, Koox, Qabiil iyo deegaan gaar ah, u arag Mustaqbalkaaga iyo kan Ubadkaaga oo gacantaada soo galaya, sidaas awgeed wixii aad ku darto ha ahaadaan mid horay u wadaysa oo aan dib inoo celinaynin.

Gunaanad, shaki malaha in aynaan Maanta filanaynin wixii ugu wanaagsanaa, shaki malaha in cillado jirikaraan, shaki malaha in aanay naga wada farxindoonin, balse mid kale oo aan shaki lahayn ayaa ah in aanu jirin Khiyaar kale oo ka wanaagsan oo aan ku badalano, waxaan kale oo shaki lahayn in ay tani inoo jiidayso jihada guusha insha allaah.

W/Q: Wasiir kuxigeen Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuseen Axmed Colaad” Qoriga waxaan u qaatay si aan Khawaarijta uga aarguto”,(Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Hagardaamada iyo ficillada guracan ee kooxda Khawaarijta Al-shabaab ma joojin howlgallada ka dhanka ah  ee lagu dabar-jarayo, kuwaas oo…

GudahaMaqaalladaWararka
February 26, 2023

Soo-celinta Muwaadiniinta waa qeyb kamid ah Dadaallada Lagula Dagaallamayo Tahriibka

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guul leh u soo celisay 47 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Madagascar, iyada oo…

Maqaallada
December 8, 2024

Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray

Muqdisho(SONNA):-Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabbeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray Kooxda naxariista daran ee khawaariijta…

GudahaMaqaalladaWararka
January 10, 2023

Maxaa keena in dagaal beeleed dhaco xilligan? (WARBIXIN)

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jirta in ay ka dhaceen Gobolada Dalka qaarkood isku dhacyo ama uu dagaal dhexdooda ah…

GudahaMaqaallada
November 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023