Dadka deegaanka Furqaan ee gobolka Shabeellada Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka ku wareejiyay rag hubeysan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin.
General Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga mahad celiyay Reer Furqaan garab istaagga ay u muujiyeen Ciidanka Qaranka.
Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Muxyadiin Xasan Jurus iyo saraakiil ciidan ayaa goob joog ahaa madasha wareejinta ciidanka iyo saanadooda.