Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa gudoonsiiyey shahaadooyinkii ka qaybgalayaasha ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda: Tayeynta Xaqiijinta Xogta, Xirfadaha Sheeko-sameynta iyo Xiriirka Isku-haynta Bulshada.
Munaasabaddan ayaa lagu maamuusay dadaalka iyo ka go’naanta ka qaybgalayaasha ee barashada xirfadaha muhiimka ah sida xaqiijinta xogta, sheeko-sameynta, iyo isku-haynta bulshada, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee xoojinta wacyigelinta bulshada iyo nabad-dhisidda dalka.
Ka qaybgalayaashii tababarka ayaa si rasmi ah u helay shahaadooyinkooda, taasoo calaamad u ah hufnaantooda, ka go’naantooda, iyo diyaar garowgooda inay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta bulshooyinka iyo nabad dhisidda dalka.
