Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey liiska ururrada ka tartamaya Koonfur Galbeed
    April 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha Ciidamada
    April 7, 2026
    Wasiir Cabdulqaadir Maxamed oo Xildhibaan loo doortay
    April 7, 2026
    Soomaaliya oo la wareegtay kursiga. Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
    April 7, 2026
    Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo
    April 7, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
MaqaalladaWararkaWaxbarashada

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 11, 2025
3 Min Read
Share

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah, kadib booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, isagoo ka jawaabaya martiqaad uu ka helay dhiggiisa, Madaxweyne Cabdul-Majiid Tebbuun.

Booqashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada, beeraha iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaas oo wadaaga taariikh halgan ah oo ka dhanka ahaa gumeystihii iyo xiriir qotodheer oo ku saleysan aqoonsiga Carbeed iyo Afrikaannimo.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxay dib u soo ceshatay kaalinteedii siyaasadeed ee gobolka, halka Aljeeriya ay xoojisay doorkeeda diblomaasiyadeed ee Qaaradda Afrika, taas oo horseedday in xiriirka labada dal uu yeesho jihada cusub ee is-faham iyo wada-shaqeyn.

Dhinaca amniga, labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan iskaashi ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, xagjirnimada iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga.

Aljeeriya oo caan ku ah waayo-aragnimadeeda dhinaca amniga iyo heshiisiinta Qaran ayaa la filayaa in ay la wadaagto Soomaaliya khibraddeeda, si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil.

Dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaa la filayaa in booqashadu ay horseeddo fursado cusub oo la xiriira maalgelinta, is-weydaarsiga badeecooyinka, adeegyada kale iyo in la dhiirrigeliyo xiriirka u dhexeeya ganacsatada labada dal.

Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa sidii loo furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad iyo dekedaha ah oo fududeyn doona safarka iyo ganacsiga u dhexeeya Muqdisho iyo Aljeers.

Dhinaca waxbarashada iyo dhaqanka, Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso iskaashiga Jaamacadaha Aljeeriya, si ardayda Soomaaliyeed ay ugu helaan fursado waxbarasho oo tayo leh, gaar ahaan culuumta caafimaadka, injineerinka iyo cilmiga siyaasadda.

Aljeeriya ayaa sidoo kale lagu xusaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda in ay tahay dal gacan weyn ka geysta horumarinta waxbarashada Carabiga iyo Islaamka ee Afrika.

Booqashada Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee Aljeeriya ma aha oo kaliya munaasabad diblomaasiyadeed, balse waa tallaabo cusub oo lagu dhisayo xiriir istiraatiiji ah oo ku saleysan dano wadaag iyo iskaashi dhanka amniga, horumarka iyo waxbarashada, taas oo kor u qaadaysa danaha labada shacab iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey liiska ururrada ka tartamaya Koonfur Galbeed

Baydhabo (SONNA): Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay liiska ururrada siyaasadeed…

April 7, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo tababar ku saabsan xogaha Khawaarijta u soo xiray qaar ka mid ah hawl wadeenada dowladdaaaradda

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar u soo…

GudahaWararka
February 7, 2024

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo Ra’iisal wasaaraha dalka oo ka tacsiyeeyey geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Muqdisho (SONNA)- Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan…

GudahaWararka
February 23, 2021

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga oo kulan la yeeshay Safiirka Norway ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa kulan la…

CaalamkaGudahaWararka
March 25, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka qur’aanka kariimka ee Bisha Ramadaan

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Qur'aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan…

GudahaWararka
March 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023