Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Bariga Afrika mudane, Laurent Bukera.
Kulanka labada masuul ayaa si dhaw loogu falanqeeyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sidii ay wada-shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo abuuridda jawi u fududeenaya bahwadaagta howlaha gargaarka in ay waajibaadkooda si fudud u gutaan.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ka codsaday Laurent Bukera oo booqashadiisu ku soo aaday xilli laga cabsi qabo natiijo taban oo ka dhalata abaarta in hay’adda WFP si dhaw ula shaqayso SoDMA iyo wasaaradaha Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee dowlad gobolleedyada.
Guddoomiyaha oo bogaadiyay xariirka shaqo ee ka dhaxeeya SoDMA iyo WFP, ayaa guud ahaan hay’adaha gargaarka iyo deeq-bixiyayaasha ugu baaqay in indhaha lagu hayo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.