Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir-guddoomiyey kulanka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, dardargalinta howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada ay kooxaha Khawaarijta ah ku dhuumaaleysanayaan oo guulo waaweyn ay ka soo hooyeen ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.
Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta wasaarrada beeraha iyo waraabka ee magacaabista maareeyaha iyo maareeye ku xigeenka hey’adda sharciyeynta adeegyada baaritaanka iyo beeraha Soomaaliyeed oo loo magacaabay Mudane Cabdi Maxamed Xuseen, maareeyaha guud, halka Mmdane Liibaan Cabdi Xasan, loo magacaabay ku-xigeenka.
kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad ku saabsan arrimaha bartoolka iyo gaaska oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo xeerka xarunta shaqada ee ururka iskaashiga islaamka.