Jabuuti.SONNA…..Shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa saakay oo Jimca ah u dareeray doorashada Madaxweynaha ee dalkaasi hogaamin doona 5-ta sano ee socota,
Ololle doorasho oo in mudo ah soo socday ayaa waxaa isugu soo haray oo ku tartami doono musharaxiinta kala ah Madaxweynaha iminka talada dalka haya ahna Musharax Ismaaciil Cumar Geelle oo u tartamaya Xisbiga UMB iyo Shan xisbi Siyaasadeed oo kale kuwaas oo ku mideysan musharax Maxamed Faarax Samatar oo u tartamaya xisbiga CDU.
Doorashadaan waxaa ka qeybgeli doona oo codeyn doona Shacabka dalkan kuwaasi oo codadkooda ka dhiiban doona 413 goobood guud ahaan dalka oo dhan waxaana codeyntu ay socon doontaa ilaa 6-da maqribnimo ee caawa, ayadoo natiijadana ay guddiga doorashooyinka ku dhawaaqi doonaan 12:00AM saqda dhexe ee caawa.
Musharaxa ku guuleysta doorashadaan dadweyne ayaa dalkaan hogaamin doona 5-ta sano ee soo socota.
