Muqdisho-(SONNA)-Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Amb; alper aktaล ayaa sheegay in heshiiska ay labada dowladood kala saxiixdeen dhowaan uu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis sii jira.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “Heshiiska aan la saxiixanay Soomaaliya wuxuu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis sii jiri doona”.
Amb; alper aktaล ayaa sidoo kale sheegay in markabkaan dagaal ee yimid Soomaaliya uu qeyb ka yahay heshiiskii difaaca Badda ee Soomaaliya iyo Turkiga dhowaan wada ay galeen.
Wuxuu sheegay Safiirku in aminiga Soomaaliya uu ula mid yahay kan Turkiga, sidaa awgeedna aragtida dhanka xasilloonida labada dal ay u siman yihiin.
Mr; alper ayaa intaa ku daray in cilaaqaadka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga mid la mid ah uu caalamka aad u yahay, isagoo xusay in xiriirkaasi qotada dheer lagu gaaray dedaallada ay muujiyeen hoggaanka labada dal.