Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda JFS u magacaabay Mudane Axmed Xasan Yuusuf , iyo Agaasimaha Guud Arrimaha Caddaalada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS oo uu u magacaabay Cabdinuur Xasan Maxamed .
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Mudane Axmed iyo Mudane Cabdinuur kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.