Qormo..(SOONN)..Ka salgaaridda,doodaha,is-maan-dhaafka,muranka,gacan ka-hadalka, qulqulatooyinka,xasaradaha iyo asaarka ayaa lagu tilmaamaa astaamaha gorsooridda cuddoon.
Marka aynu ka hadleyno garsoorka iyo qaybihiisa kala duwan wax aan uga jeednaa habkii ay soomaalidu garta iyo garsoorka ba u qaabayn jirtey.
Garsoorku waa xirfad laga dheehan karo aqoon ummadeed iyo farsamo bulsho,marka aan dulmar kooban ku samayno habkii iyo xeerarkii soomaalidii hore ku dhaadan jireen iyo kuwa maanta jooga waa muuqadaa faraqa u dhexeeya.
Xaq-siinta,sinaanta,caddaaladda,midnimada,horumarka iyo il-baxnimadu waa astaanta jiritaanka bulsho fiyow,xatooyada, xadgudubka, dulmiga, hagardaamada, galdiga, aabiga, dhaca iyo jowr-falku waa astaanta jiritaanka bulsho bugta.
Garta Soomaalidu mar waa “curad” marna waa “ugub” waa curad oo xeer iyo qodob ayaa ka yaalley,haddii ayse “ugub” tahayn waxa loo tumaa xeer iyo sharci hor leh,Jaalle marka aan eegno ricirka garsoorka iyo giraanta uu ku wareegayo waxa ka mid ah,Dhiig iyo Dhaqan, Qoon iyo Qadaf, Sir iyo Caad,Balan furyo iyo Been abuur, Anshaxumo iyo Abuur doorrin.
Jaadadka loo qaybin jiray denbiyada marka garsoorka lagu jiro waxa la oran jirey sidatan:- Ma dhiigbaa mise waa dhaqan? Ma qudh baa mise waa quursi? Ma kamaa mise waa kas? Ma xilaa mise xoolo? Ma mooraa mise waa magan?Ma sokeeyaa mise waa gar cadaawe?
Dhaqanku waa sees muujiya qaybaha bulshada sida:-biri-mageydada (hoggaamiye dhaqan,culumo ama wadaado,maato, dhulyaal,ergo, magan, socoto iyo xidid),Geedka garta lagu naqo waxa uu u dhigmaa “Maxkamad” waxana lagu soo af-meeraa colaadda iyo dhibta aloosan markaas,marana waa gole Gabayaa, Baane Foolaad iyo nin Qalasa kama maqna wadaad laga ducaysto iyo waranle-duullaan,Marna ardaa-dhaqan oo waxa lagu hayaa yarad-xarrago,sooryo-xidid, gabbaati gole iyo xilo dumar,Soomaalidu waxa ay leedahay garasho ku qotonta sooyaal dhacdo waayo aragnimo guun ah,gudasho xeel dheer,hilaadin qaran iyo indheer garad waayeel.
Akhristoow haddii aan sii tibaaxno garsoorkii hore waxa aan helaynaa dhaar-dhaqameed fil weyn ,taa soo lagu dhaarin jirey qofka lagu tuhmo dhibka iyo jowrfalka,weligaa iyo waqaa,Qoodhaa iyo xeradaa,Dhurkaa iyo dhaqan kaa,Xoogaa iyo xawdaa,garta waxa loo saari-jirey: Boqor caleema saaran, Buuni sheekha ah, Baxdow deeqsi ah, Bir-jeex geesi ah, Baane gabayaa ah, Buurariix xidaari ah iyo Xeer-beegte xamlan.
Mudane,marka aan eegno dhanka denbiilaha falka gaysta waxa loo qaybin jirey:-Qaatil qurgoye ah, Saani xaaraami ah, tuug maryo madoobeye ah,Dira-diraale naar afuuf ah, Jidgooye jaan-jaaman iyo Dowdar mubaddar ah. Qofka dhibka iyo aabiga ku kaca waxa lagu xukumi jirey ciqaab u dhiganta sida:“Hagarbi”oo ah hanti cayiman oo laga qaado labada dhinac ee gartu hortaal.
Marna waa “Cisaaro”oo ah ganaax la saaro qofka jabiya xeer guud,Marna waa“Magdhow” oo ah qaddar jaan go’an oo u dhiganta dhibkii uu falay denbiiluhu,Marna waa“Mag”oo ah diyo in lagu xukumo qofka qurgooyada gaysta.
Marna wa “Mooraduug”oo ah hantida qofka danbiilaha ah oo laga wareejiyo ama xeradiisa gonta la soo taabto,marna waa “Qur-gooyo” oo ah qisaas “qurgoyn” lagu fuliyo qofka wax dila,marna jeelle waa“Takoorid” taa soo ah in qofka falka xun ku noqnoqda ama caadaysta danbiyada waa weyn in laga takooro bulshada dhexdeeda ama laga masaafuriyo.
Gebagebadii iyo gunaanadkii qormadan waxa ku soo afmeerayaa maansadan uu curiyey Abwaan,Cabdulqaadir Cabdi Shube waxa uuna diiradda ku saarayaa qiimaha iyo kaalinta dhaqanku ku leeyahay garsoorka.
Dhacdoba madal bay lahayd Dhiggeed la fil bay ahayd
Dhabbaqo eray bay lahayd
Ninkii dhahay bay lahayd
Ganaax dhigan bay lahayd
Dhaawacu dhugashuu lahaa
Dhibbaan la sinuu lahaa
Shiikh loo dhiibuu lahaa
Sakiyo dhogor buu lahaa
Wuxuu ka dhahay ahayd
Dhuungooyo hadday kas tahay
Qisaas dhiibay lahayd
Dhankeeda kaley lahayd
Mag dhiibaaley lahayd
Dharaar la baxshay lahayd
Wax baqol dheer bay lahayd
Sii dhaahin dhammay lahayd
Dhad-dhaad guri bahay lahayd.
Waxaa Qoray Maxamuud Cali Aadan Hoorri
Xubin ka mid Guddiga 4-aad ee Afka Soomaaliga Muqdisho.
Xuquuqda Qormada SONNA