Nin ka mid ahaa askartii ay jabhaduhu baaddiyaha ka soo uruuriyeen oo ku jiray dagaalkii lagu riday Siyaad Barre ayaa maalmo ka dib markii uu odaygu Xamar ka baxay wuxuu maqlay Rasaas dabaaldeg ah oo cirka loo ridayo. Markuu dadka weydiiyay waxa ay rasaastu ka walax tahayna; waxaa loo sheegay in lagu soo dhawaynayo Madaxweyne cusub. Ninkii inta yaabay ayuu yiri, “haddiiba aan Madaxweyne cusb soo dhawaynayo, maxaan kii hore u raacdeynay?!” Waxaa ninkaas la wacyi ah dadka maanta ku doodaya “haddii Abiy Axmed lala qoslayo maxaa awal loogu xanaaqay”?, sida uu Bartiisa Bulshada ku qoray Qoraa Mxamed Dhaaleey.
โSiyaasiyiinta mucaaradka ah ee doonaya in ay talada dalka ka dhaxlaan xukuumadda maanta joogta, waxaa la gudboon in aysan qeyb ka noqon hoos-u-dhigidda wacyiga bulshada. Waa in aysan dadka ku caadifad-galinin ujeeddo gaaban oo ay iyagu meel ka sii fog u socdaan. Haddii kale, berrito marka ay dadku gaaraan meeshii farta loogu fiiqay, waxaa adkaan doonta sidii looga dhaadhicin lahaa in uusan safarku weli kow iyo laba jooginโ!.
Qoraagu waxaa kaloo uu sheegay in Qaddiyadda khilaafkii Itoobiya yaanan bulshada loogu koobin hal sawir oo ay Xasan Sheekh iyo Abii Axmed wada qoslayaan, ama booqasho uu Xasan ku tegay Addis Ababa. Xaajadu intaasi waa ay ka sii guda-ballaaran tahay, ee iyadoo aanan mid xukun haaya loogu roonaaneyn, bulshada ha lala wadaago xaqiiqada ku saabsan in xiisaddii soo billaabatay Janaayo 2024-kii ay ahayd kheyr aan shar moodnay “blessing in disguise”. Waxa ay xujo ku furtay dhammaan indheergaradka iyo madaxda Soomaalida oo ay kuwa xilalka haaya ku jireen.
Qoraagu waxa uu ku soo khatimay โNasiib wanaag, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qaatay mawqif cad oo ficil iyo fagaare-ka-sheegba lahaa. Natiijadiina waxa ay noqotay in sannad ka dib ay xaaladdu maanta ku soo laabatay halkii ay joogtay ka hor inta aysan xiisaddu kicin. Ujeedka dagaalkii diblumaasiyadeed ee lala galay Itoobiya kuma uusan saabsanayd qosol, sawir iyo magaalo la booqdo, ee wuxuu ku saabsanaa masiir iyo maslaxad Ummadeed oo lagu xadgudbay, taasi oo u baahnayd in si cad loo diido illaa ay meesha ka baxdo, tiina waa ay dhacday. Waxa keliya ee ay dooddu ka furan tahayna waa in bulshada la tuso caddeyn kasta oo lagu muujin karo in aysan wixii loo dagaallamay qabsoomin, Mucaaradkuna yaysan ka howl-yaraysan danta guud, ee intii ay dawladdu gelisay difaaca dantaasi in ka yar ayay iyaga uga baahan tahaye ha galiyaan sidii ay dadka u tusi lahaayeeโ.
Dad ayaa xalay la yaabanaa sida Madaxweynaha qaabkii loo soo dhoweeyey, qaarna waxayba ku tilmaameen in aan abid Madaxweyne Soomaaliyeed sidaasi oo kale loo soo dhowayn. Dagaalka siyaasadeed iyo kan ciidanba waxaa loo galaa in nabad loo siman yahay lagu gaaro, ma Jiro dagaal dhammaad laโaan ah ama aan xambaarsanayn hadaf la xaqiijinayo.
Dadaalkii iyo dagaalkii diblomaasiyadeed ee uu Madaxweynuhu hogaaminayey muddada sanadka aheyd waxaa lagu gaaray in Soomaaliya aan la dhayalsan, sidii loola dhaqmi jirey, indhihii lagu eegi jirey iyo xadgudubyadii lagu sameyn jiray wax weyn iska bedelaan. Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa guusha la xaqiijiyey. Taariikhda waa markii ugu horeysay ee Itoobiya hab-maamuuskan heerkiisu sarreeyo ku qaabisho Madaxweyne Soomaaliyeed. In Waddooyinka Addis & dhismayaashaba uu ku xardhan yahay Cawaale-na waxay ku timi hoggaaminteena Siyaasadda Arrimaha Dibadda oo ah mid dhiifoon.
Dadka ka faallooda arrimaha Diplomaasiyadda iyo Hab-maamuuska ayaa sheegaya in Xil. Cabdiraxmaan Abdishakur Warsame iyo qaar la mid ah ayaan iyaga oo ka fiirsan markii ay ciidankan arkeen la soo booday dhaleeceeyn, iyaga oo ku sheegaya in ay yihiin ciidanka badda ee Ethiopian, halka ay ciidankani sida caddeeymahaan hoose ku cad yihiin ciidan-sharafeedka Itoobiya (Honor Guard), waxayna u gaar yihiin salaam siinta Madaxda sida gaarka loo soo dhaweeyo ama la sharfo. Ciidankan waajibaadka ay u xilsaaran yihiin waa soo dhaweynta wafuudda madaxda caalamka gaar ahaan booqashooyinka rasmiga ah.
Arrintaan ayaa timid kadib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay magaalada Addis Ababa, isagoo kulamo la qaatay Raโiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Madaxdu waxay isla garteen in dib loo hagaajiyo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee uu xumaaday heshiiskii MOU ee Itoobiya iyo Somaliland. โKadib wada hadal qoto dheer, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud iyo Raโiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed,โ ayuu yiri Balcad oo wareysi siiyay VOA. Xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal waxa uu xumaaday sannadkii hore markii ay Soomaaliya ku dhawaaqday in heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland uu ahaa mid aan waxba ka jirin oo meel ka dhac kuย ahย qaranimadeeda.
War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Sabtidii, labada hoggaamiye waxay ballan-qaadeen inay “soo celinayaan oo ay wanaajiyaan” xiriirka laba geesoodka ah iyada oo loo marayo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda. Labada hoggaamiye waxay ku nuuxnuuxsadeen in xasilloonida gobolka ay ku xiran tahay iskaashi xooggan oo ku dhisan is-aaminaad iyo is-ixtiraam. Dhanka kale, Masar ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inaysan aqbali doonin in ciidan badeed ay joogaan Badda Cas ee ka imaanaya dalalka aan xuduudka laheyn. Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty oo shir jaraaโid la qaatay dhiggiisa Soomaaliya iyo Ereteriya, ayaa hoosta ka xarriiqay walaaca sii kordhaya ee Masar ka qabto saameynta gobolka ee Itoobiya. “Ma oggolaan doono in dalalka aan badda laheyn ay ciidan ka sameystaan โโhareeraha Badda Cas. Tallaabooyinka noocaan oo kale ah waxay saameyn ku yeelan doonaan nidaamka amniga ee biyaha moolka dheer,โ ayuu yiri Abdelatty.
Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in uu ka warqabo hadalka Masar, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan si toos ah ugu lug lahayn arrimaha Badda Cas, maadaama aysan xuduud la wadaagin marin biyoodka. Marinka Bab-el-Mandeb ayaa isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed ee mara xeebaha Soomaaliya. “Waxaan sii wadeynaa xiriirka madax banaan ee aan la leenahay Qaahira iyo Addis Ababa, mana aaminsanin in mid uu kan kale wax yeelo,” ayuu yiri Cali Balcad. โ Itoobiya inaan Marin Badeed ka siinno Gacanka Cadmeed nooma qorsheysna, mana ogolaaneynno saldhig ciidan oo Badeedโ, sidaasina waxaa caddeeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar Balcad, waxaana filayaa inaysan arrintaasi mugdi ku jirin.
Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare ayaa ka hadlay hadalo ka soo yeeray xubno ka tirsan Baaralmaanka iyo siyaasiyiin. Qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri:- “Rag Maarlamaanka labada aqal ka tirsan, oo leh ayaa arkaa ( baarlamaan ma jiro), haddii ay sidaasi aaminsan yihiin, maxay uga bixi waayeen golayaasha ay aflagaadada kuwadaan ? Mise Mushaharka ayeysan ka maarmin, oo sidaasi ayey meesha ugu jiraan? Garashada nadiifka ah ayaa ku siineysa wax aadan aaminsaneyn inaad isaga baxdo, kadibna banaanka la istaagto wixii aad ka dhaheyso Golayaashaasi. Wixiise intaasi ka sooย hara waa tororog iyo war badni ku dhisan ha lagaa sheeko”.
Xil. Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa isna qaba ย โXikmad iyo Xeelad Diblamaasiyadeed ayaan xalka ku gaadhnay. Waa tubtii aan ku xaqiijinnay ilaalinta qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waan ku ammaanayaa Madaxweyne Hassan Sh. Mohamud hoggaamintiisa iyo xikmaddiisa lagu xalliyay xiisaddii gobolka.
By. C/laahi Ruush