Hargeisa,(SONNA)- Natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada Somaliland ee caawa la filaayay inlagu dhawaaqo ayaa dib u dhacday. Berri ayaa la filayaa in la shaaciyo natiijada hordhaca ah ee Doorashadaas.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Eng, Cabdirashiid Riyo Raac ayaa sheegay galabnimadii maanta mar uu warbaahibta la hadlay in caawa ama illaa berri lagu dhawaaqi doono Natiijadda Horudhaca ee Doorashooyinkii shalay ka dhacay Somaliland.