Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa galabta ka qeyb galay daawashada kullan aad u xiiso badan oo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ku dhex-martay kooxaha Kubadda Cagta ee Degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir.
KulLankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana qeyb ka ahaa Wareega sideed dhamaadka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waqtigii loogu tala galay waxa uu kusoo idlaaday 0-0, balse gool ku laad (Rigoore) labada dhinac loo dhigay ayaa cayaarta ka dhigtay mid ay guusha ku raacday Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan.
Degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Kaaraan ayaa xaqiijiyay in ay usoo gudbaan Wareega Afar dhamaadka ama Semi-finalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona maalinta barito la sugaayo in ay cayaar aad u xiiso badan dhex marto Xulalka Kubadda Cagta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Dharkeenley oo xulkii ay guusha raacdo ku biiri doonna xulalka usoo gudbay Semi-finalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir.