Koobkaan oo galabta la cayaaray kulankiisii kama dambeynta ahaa ayaa waxaa uu dhex maray Wasaaradda Amniga gudaha XFSย iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Cayaartooyda Wasaaradda Amniga ayaa ku guuleystay Koobka kadib markii ay 3-2 kaga adkaatay Kooxdii Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Gabo-gabadii cayaarta kadib Munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonkii ay cayaartu ka dhacday ayaa waxaa bilado iyo haddiyado qaali ah la gudoonsiiyay Cayaartooyda iyo Maamulkii soo abaabulay koobka hey’adaha Dowladda.