Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub ayaa u ballansan kulan deg deg ah oo iyagoo isku dayaya inay Mareykanka iyo Iran ku soo celiyaan wadahadalada diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo xiisadaha dhinaca nukliyeerka ah.
Hogaamiyaasha yurub waxay rajeynayaan inay qaboojiyaan Xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iraan, iyagoo og in isfaham darro ka dhex dhaca labada dhinac uu sababi karo dagaal iyo xiisad colaadeed.
Wadahadalada ay manta galinka dambe yeelanayaanYurub ayaa la filayaa in marka hore lagu soo hadal qaado xaaladda isbedel ee ka jirta dalka Liibiya, sida ku xusan qoraalka EU-da ka hor inta aysan u dhaqaaqin arimaha kale ee ka muuqda dalka Ciraaq.
Haddii ay dhacdo in diyaaraddii ku dhacday gudaha Iraan ay ka dambeeyaan dowladda dalkaasi , waxaa suurtagal ah ama ay u badan tahay in dadalada ay wadaan Yurub ay noqdaan kuwo guuldareysta,