Muqdisho(SONNA):-Dhagarqabayaasha khawaariijta waxay gumaadka shacabka Soomaaliyeed u adeegsadeen xeellado kala duwan kuwaas oo ka fog dadnimada muujinaysana dullinimada kooxda khawaariijta,maanta waxaynu qormadan ku qaadaa dhigaynaa dhagar qabe sheegtay dhakhtar been ah kaas oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta una qaabilsanaa gumaadka shacabka Soomaaliyeed.
Magaciisu waa Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr Fanax)wuxuu ahaa dhagarqabe ka tirsanaa khawaariijta balse waxa uu laammaha Amniga uga gamban jiray xirfadda dhakhtarnimo oo uu ka been sheegtay isagoo ka hawlgalay Cisbitaalo kala duwan sidoo kale wuxuu khadka Telefoneka kaga qayb qaatay Barnaamujyo Caafimaad isagoo lahayn aqoon caafimaad,dhagarqabahan ayaa beenta uu ka sheegtay xirfadda caafimaadka wuxuu uu maaraynteeda u adeegsan jiray Google oo uu ka baari jiray xanuunada ay ka cabanayaan bukaanada la soo xiriiraa.
Dr Fanax wuxuu ahaa dhagarqabe ka tirsanaa kooxda khawaariijta, isla markaana magaalada Muqdisho uga soo shaqeeyay inuu yahay dhaqtar neerfaha ah, islamarkaana wuxuu mararka qaar xiran jiray darajada sarkaal oo ah gaashaanleย been abuur ah, isagoo sidoo kalena heystay aqoonsiga wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka oo uu sidoo kale ka been abuurtay.
Dhagarqabe Fanax ayaa Khawaariijta ka tirsanaa illaa sanadkii 2009, isagoo fuliyey kana qeyb qaatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida qarixii Isgoyska Jubba 2019, 2021, weerar ka dhacay Garasbaalley,Qaraxii ergadii Doorashada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale.
Dhagarqabe Fanax ka tirsanaa kooxda khawaariijta illaa sanadkii 2009, isagoo fuliyey kana qeyb qaatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida qarixii Isgoyska Jubba 2019, 2021, weerar ka dhacay Garasbaalley, Qarixii ergadii Doorashada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale,ciidamada amaanka ayaa kasoo qabtay magaalada Beledweyne kasoo qabtay bartamihii sanadkii 2022.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhowaan xukun dil toogasho ah ku xukuntay dhagarqabe Dr Fanax ka dib markii ay ku cadaatay inuu ka tirsanaa kooxda khawaariijta dhagarro qarsoon na u geystay shacabka Soomaaliyeed isagoo marna ku dilayey qarax marna ku dilayey xirfad caafimaad uu uusan wax aqoonteeda ah baran.