Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxaa la gudboon Xildhinbaanada laba Gole (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxaa la gudboon Xildhinbaanada laba Gole (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Maxaa la gudboon Xildhinbaanada laba Gole (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 24, 2024
8 Min Read
Share

Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso. 23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayey dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaas.

Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay ayaa ah aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan. Muddadaas dowlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 wasiir dastuur, dhowr guddi dastuur iyo ku dhowaad $100 milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, dadweynahana afti ku ogolaadeen.

Dastuurka KMG ee ay hadda hay’adaheena ku dhisan yihiin, sanadkii 2012-kii ayay ergo gaareysa 825, si KMG ugu ansixiyeen Muqdisho iyadoo loo ballamey in Baarlamaanka markaas la dhisayay ee 9-aad (2012-2016) uu ansixiyo ka dibna afti dadweyne loo qaado, “Yaa caqabad ku ah dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka?. Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hay’ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMG”, sidaasi waxaa yiti Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo horey u so noqday Xohayaha guddiga Dastuurka.

“Caqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hay’adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka”, ayuu sii raaciyay.

Dr: Xuseen waxaa kaloo uu intaasi raciyay in dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10aad ay fursad weyn u heysatay inay dhameystirto Dastuurka, inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen, warbixino soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayay oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka.

Haddaba Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta waxa ay xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin kulan xasaasi ah, kaasoo looga hadlayo wax ka bedelka Dastuurka KMG-ka ah ee dalka. Farriin shalay loo diray Xildhibaanada ayaa waxaa loogu sheegay inay deg deg u soo xaadiriyaan kulanka maanta oo ah mid si aad ah Isha loogu wada hayo, iyadoo Ajandaha kulanka maanta ayaa Xildhibaanada lagu wargaliyay in uu yahay aqrinta 3-aad & u codeynta ama ansixinta habraaca wax ka beddalka Dastuurka Ku meel-gaarka ah ee Dalka u yaalla.

“Waxaan maanta kulan wadatashi ah iskugu nimid qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka oo aan iska warsanay damaca itoobiya iyo xiisadda dastuur beddelka. Waxaan isla garanay in wax ka beddelka dastuurka uu yahay waajib saaran labada gole ee Baarlamaanka, laakiin uu meelmar noqon karin ilaa laga dejinayo xeer ay labada gole ee Baarlamaanka ku wada shaqeeyaan sida uu dhigayo qodobka 62aad, faqradiisa 2aad ee dastuurka”, sidaasi waxaa bartiisa bulshada ku qoray Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

“Qorshaha la damacsan yahay in maanta gacan taag iyo qardaxjeex lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka waa mid baalmarsan Dastuurka iyo sarreynta sharciga, islamarkaana kala qeybinaya Ummadda Soomaaliyeed, xilli ay ugu baahi badan tahay midnimada iyo wadajir ay dalkooda kaga difaacdaan damaca Itoobiya”, ayuu sii raaciyay Xildhibaanka.

“Xildhibaannada laba Aqal ee Baarlamaanka Federalka ayaa maanta kulan yeelanaya, iyadoo Ajendaha uu yahay: “Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Habraaca Ansixinta wax- ka Bedelka Dastuurka”, waxaa isna sidaasi yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Waxaa kaloo uu yiri Xil Ducaale “Ma fahmin waxa keenay inay, siyaasiyiin iyo Xildhibaanada qaarkood halis u arkaan kulankan, tashwiishna ku furaan, haddaba aan is-weydiinee: Ma waxay diidan yihiin in labada Aqal Baarlamaanku ay awood u leeyihiin go’aan ka gaarista Ajendaha maanta? WAA MAYA”.

Xildhibaan Ducaale ayaa waxa uu isweydiinayaa “Marka Dastuur laga hadlayo kaliya miyaa loo baahan yahay inay labada Gole yeeshaan xeer wada shaqeyn? WAA MAYA.. Ma waxay diidan yihiin in Dastuurku KMG iska ahaado, una Dabranaado kooxo raba inaysan caasimadda Muqdisho Maqaam gaar ah yeelan? WAA DHICI KARTAA?.Yaa difaaca dalka u taagan ma Dadka xaflad iyo Dalxiis u socda, mise Xildhibaanka waajibaadkiisa gudanaya?”.  “Walaalayaal, Xildhibaannada ku kalsoonaada oo waajibaadkoodu ka mid yahay habraac sameyn iyo wax ka bedelid dastuur, una hoggaansama xeer hoosaadka iyo Dastuurka, ayuu ku soo gunaanaday qormadiisa Xildhibaan Ducaale.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, wuxuuna faray mucaaradku in aysan qaadan doorka keli taliska, wuxuuna intaa ku daray in qorshaha wax ka beddelka Dastuurku uu muddo soo socday haatanna la gaaray waqtigii lagu dhaqaaqi lahaa, isagoo sheegay in howshu ay haatan marayso halkii ugu wanaagsanayd, lana gaaray horumarin siyaasadeed, Baarlamaankana ay ka doodi doonaan.

Haddaba maxaa la gudboon Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya?, Guddoonka iyo Xubnaha BFS 11-aad ee labada Aqal waxaa ay haystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan, iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa, iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka, gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG.

War hadda isoo gaaray ayaa sheegaya in Labada Gole ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyey Habraaca wax ka badelka Dastuurka dalka, iyadoo Fadhiga maanta ee labada gole oo ay ka soo xaadireen 210 mudane ayaa waxaa habraaca oggolaatay 180 Xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar

Muqdisho...SONNA...Ra’iisal wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta safaaradda Soomaaliya  ee magaalada Qaahira,safiirka iyo howl wadeennada safaaradda ayuu ku…

GudahaWararka
August 18, 2021

Dowladda Uganda oo sheegtay in ay wax ka qabanayso caqabadaha haysta qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda

Uganda(SONNA):-Dowladda Uganda oo sheegtay in ay wax ka qabanayso caqabadaha haysta qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda Danjiraha Soomaaliya ee…

GudahaWararka
May 20, 2023

Sirdoonka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka oo horjoogeyaal Khawaarij ah ku dilay howlgal ka dhacay Gobalka Hiiraan

Muqdisho (SONNA) Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal ciidanka…

GudahaWararka
February 28, 2023

Danjire Ilyaas Cali Xasan oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay madaxda Tanzania

Safiirka cusub ee Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan ayaa nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ku wareejiyey Agaasimaha Hab-maamuuska Qaran ee…

Gudaha
November 22, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023