Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 30, 2026
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxaa la gudboon Xildhinbaanada laba Gole (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxaa la gudboon Xildhinbaanada laba Gole (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Maxaa la gudboon Xildhinbaanada laba Gole (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 24, 2024
8 Min Read
Share

Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso. 23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayey dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaas.

Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay ayaa ah aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan. Muddadaas dowlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 wasiir dastuur, dhowr guddi dastuur iyo ku dhowaad $100 milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, dadweynahana afti ku ogolaadeen.

Dastuurka KMG ee ay hadda hayโ€™adaheena ku dhisan yihiin, sanadkii 2012-kii ayay ergo gaareysa 825, si KMG ugu ansixiyeen Muqdisho iyadoo loo ballamey in Baarlamaanka markaas la dhisayay ee 9-aad (2012-2016) uu ansixiyo ka dibna afti dadweyne loo qaado, โ€œYaa caqabad ku ah dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka?. Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hayโ€™ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMGโ€, sidaasi waxaa yiti Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo horey u so noqday Xohayaha guddiga Dastuurka.

โ€œCaqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hayโ€™adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurkaโ€, ayuu sii raaciyay.

Dr: Xuseen waxaa kaloo uu intaasi raciyay in dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10aad ay fursad weyn u heysatay inay dhameystirto Dastuurka, inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen, warbixino soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayay oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka.

Haddaba Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta waxa ay xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin kulan xasaasi ah, kaasoo looga hadlayo wax ka bedelka Dastuurka KMG-ka ah ee dalka. Farriin shalay loo diray Xildhibaanada ayaa waxaa loogu sheegay inay deg deg u soo xaadiriyaan kulanka maanta oo ah mid si aad ah Isha loogu wada hayo, iyadoo Ajandaha kulanka maanta ayaa Xildhibaanada lagu wargaliyay in uu yahay aqrinta 3-aad & u codeynta ama ansixinta habraaca wax ka beddalka Dastuurka Ku meel-gaarka ah ee Dalka u yaalla.

โ€œWaxaan maanta kulan wadatashi ah iskugu nimid qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka oo aan iska warsanay damaca itoobiya iyo xiisadda dastuur beddelka. Waxaan isla garanay in wax ka beddelka dastuurka uu yahay waajib saaran labada gole ee Baarlamaanka, laakiin uu meelmar noqon karin ilaa laga dejinayo xeer ay labada gole ee Baarlamaanka ku wada shaqeeyaan sida uu dhigayo qodobka 62aad, faqradiisa 2aad ee dastuurkaโ€, sidaasi waxaa bartiisa bulshada ku qoray Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

โ€œQorshaha la damacsan yahay in maanta gacan taag iyo qardaxjeex lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka waa mid baalmarsan Dastuurka iyo sarreynta sharciga, islamarkaana kala qeybinaya Ummadda Soomaaliyeed, xilli ay ugu baahi badan tahay midnimada iyo wadajir ay dalkooda kaga difaacdaan damaca Itoobiyaโ€, ayuu sii raaciyay Xildhibaanka.

โ€œXildhibaannada laba Aqal ee Baarlamaanka Federalka ayaa maanta kulan yeelanaya, iyadoo Ajendaha uu yahay: โ€œAkhrinta 3-aad iyo u codeynta Habraaca Ansixinta wax- ka Bedelka Dastuurkaโ€, waxaa isna sidaasi yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Waxaa kaloo uu yiri Xil Ducaale โ€œMa fahmin waxa keenay inay, siyaasiyiin iyo Xildhibaanada qaarkood halis u arkaan kulankan, tashwiishna ku furaan, haddaba aan is-weydiinee: Ma waxay diidan yihiin in labada Aqal Baarlamaanku ay awood u leeyihiin goโ€™aan ka gaarista Ajendaha maanta? WAA MAYAโ€.

Xildhibaan Ducaale ayaa waxa uu isweydiinayaa โ€œMarka Dastuur laga hadlayo kaliya miyaa loo baahan yahay inay labada Gole yeeshaan xeer wada shaqeyn? WAA MAYA.. Ma waxay diidan yihiin in Dastuurku KMG iska ahaado, una Dabranaado kooxo raba inaysan caasimadda Muqdisho Maqaam gaar ah yeelan? WAA DHICI KARTAA?.Yaa difaaca dalka u taagan ma Dadka xaflad iyo Dalxiis u socda, mise Xildhibaanka waajibaadkiisa gudanaya?โ€. ย โ€œWalaalayaal, Xildhibaannada ku kalsoonaada oo waajibaadkoodu ka mid yahay habraac sameyn iyo wax ka bedelid dastuur, una hoggaansama xeer hoosaadka iyo Dastuurka, ayuu ku soo gunaanaday qormadiisa Xildhibaan Ducaale.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in ay ka goโ€™an tahay wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, wuxuuna faray mucaaradku in aysan qaadan doorka keli taliska, wuxuunaย intaa ku daray in qorshaha wax ka beddelka Dastuurku uu muddo soo socday haatanna la gaaray waqtigii lagu dhaqaaqi lahaa, isagooย sheegay in howshu ay haatan marayso halkii ugu wanaagsanayd, lana gaaray horumarin siyaasadeed, Baarlamaankana ay ka doodi doonaan.

Haddaba maxaa la gudboon Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya?, Guddoonka iyo Xubnaha BFS 11-aad ee labada Aqal waxaa ay haystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan, iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa, iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka, gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG.

War hadda isoo gaaray ayaa sheegaya in Labada Gole ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyey Habraaca wax ka badelka Dastuurka dalka, iyadooย Fadhiga maanta ee labada gole oo ay ka soo xaadireen 210 mudane ayaa waxaa habraaca oggolaatay 180 Xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda

Ankara(SONNA):-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shiddadii Khawaariijta waxa beddelay shumac Xoriyaddeed

Muqdisho(SONNA):-Shiddadii Khawaariijta waxa beddelay shumac Xoriyaddeed. Kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay oo ku caan ah in ay ku tacadido shacabka…

MaqaalladaWararka
March 15, 2023

RW Xamse oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaabilsan Geeska Afrika

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya…

GudahaWararka
April 20, 2024

R/wasaare Rooble oo ka hadlay qodobbo muhiim u ah dooorashooyinka dalka

Muqdisho.(SONNA)...Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay isu…

Gudaha
July 22, 2021

Madaxweyne Qoorqoor oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgaliyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (SONNA): Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa si rasmi ah xariga uga jarey mashaariic horumarineed oo…

GudahaSawirroWararka
July 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023