Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha JFS oo salaaddii Ciidul fidriga la oogay ciidanka dowladda iyo shacabka ku sugan Gendershe
    March 20, 2026
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo salaadda Ciidul Fitriga la tukaday shacabka Degmada Daarusalaam
    March 20, 2026
    Guddoomiyaha BFS oo soo saaray war-saxaafadeed looga hadlaayo xiisadaha ka taagan deegaanada K/Galbeed
    March 20, 2026
    Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiil kale oo la afuray odayaasha dhaqanka ee deegaanka Gandarshe
    March 20, 2026
    R/Wasaaraha XFS oo hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray Shacabka Soomaaliya
    March 20, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
GudahaMaqaalladaWararka

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 16, 2026
6 Min Read
Share

Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona Xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,

Dekadda “Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay  Markabka weyn ee Drilling Ship, laguna magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan  Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta shidaalka ahaa.

Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa shalay ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo masuuliyiin kale, dhanka Turkiga masuuliyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay munaasabadda taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay garab istaageeda dhan kasta ah.

Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in Dalka Turkiga laga soo amba-bixiyo Markabka Cagri Bey oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona Xeebaha Soomaaliya. “Maanta waxay noo tahay maalin weyn, waxaan gaarnay xilligii aan lasoo bixi laheyn kheyraadka dalkeena”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysaneyso Kheyraadkeeda dihan. “Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, waa maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso mustaqbal horumar leh, markabkan maanta u amba-baxaya biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Kheyraadkeenna uu yahay hanti Qaran, islamarkaana ay xukuumaddu ka go’an tahay in loo maareeyo si hufan oo cadaallad ah, islamarkaana waafaqsan xeerarka caalami ah si ay uga faa’ideystaan Jiilasha maanta iyo kuwa dambe, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda in ay muujiyaan garab istaag, midnimo iyo horumarka socda ah ee ah Shidaal qodista.

“Turkiye ayaa u soo dirtay Soomaaliya markabka Cagri Bey Axadii, taasoo uu Wasiirkeeda Tamarta ku sheegay in uu noqon doono howlgalkii ugu horreeyay ee sahaminta badda ee Ankara ee ka baxsan Aagga badda”, sidaasi waxaa qortay Warbaahinta Turkiye ee TRT. Alparslan Bayraktar oo ku tilmaamay tillaabada mid “waqti taariikhi ah” ku jirta dadaalka sahaminta Saliidda iyo Gaaska ee Turkiga. Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Markabku uu bisha Abriil ka bilaabi doono qodista ‘Ceelka Curad-1’ ee Soomaaliya.

“Wa markii ugu horreysay, Markabkayaga qodista badda gunteeda hoose, ee u socda howl ka baxsan (Aagga baddeena),” Bayraktar ayaa ka sheegay xaflad ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka koonfureed ee Mersin, isagoo xusay inay tahay markii ugu horreysay ee uu ka howl galo meel ka baxsan dalka Turkiye.

Sida laga soo xigtay Bayraktar, howlgalka ayaa ka dhigaya Cagri Bey Markabkii labaad ee Turkiga ee ka howlgala Biyaha Soomaaliya, kadib Oruç Reis, kaasi oo sameeyay ‘Sahmin’ iyo Markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo loo diray meel ka baxsan awoodda badda ee Turkiga.

Arrintaani waa guul wayn iyo himilo muddo dheer la sugayay in uu ka soo ambabaxay dalka Turkey Markabkii qodi lahaa Shidaalka ku jira badda dalkeena Soomaaliya. Rajadaani waxay ku soo beegmeeysaa xili dalkeenu uu wajahayo abaaro ba’an iyo gaajo ka dhalatay abaartaas, waxaanse rajeeynayaa in riyadii Ummadda Soomaaliyeed ay muddada dheer ku taamayeen, oo aheyd, in ay mar uun arkaan khayraadka dalkooda, oo ay ka baahnaayeen muddadaas fog in ay la soo baxaan, kuna barwaaqoobaan Eebe Idamkiis, waxaana looga baaha yahay Ummadda Soomaaliyeed in ay ku fara adeegaan rajadaas soo bidhaantay ee mudadda fog la sugayay, si dalkeenu u helo dhaqaalo lagu hormariyo, islamarkaasna looga maarmo gacan hoorsiya Shisheeyaha.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”. Waayoo marka uu cidda ku soo biro Wiil waxay Soomalidu dhahdaa ‘Curad’, madaama uu Ceelkaasi noqonayo Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaal waa noo Curad. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa farxaddaasi awgeedna isna Murti ku yiri:- ALLOOW REJEDA NOO RUMEEY

RAFAADKA AAN KA REYSANNEE.

 

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweynaha JFS oo salaaddii Ciidul fidriga la oogay ciidanka dowladda iyo shacabka ku sugan Gendershe

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo isugu jiray wasiirro,xildhibaanno iyo…

March 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xaraynta xubnaha soo xulaya Baarlamanka Galmudug oo Dhuusamareeb ka billaabatay

Dhuusamareeb-(SONN)-Waxaa Saacadihii  lasoo dhaafay ka billowday Magaalada Dhuusamareeb xaraynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Galmudug, si loo dhiso…

Wararka
December 20, 2019

Ciidamo ka amar qaata hogaamiyihii hore ee Jubbaland oo weerar ku qaaday Fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Qaranka

Muqdisho, (SONNA): Koox ka tirsan ciidamada Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay hogaamiyihii hore ee Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa…

GudahaWararka
December 11, 2024

Wasaaradda Qorsheynta XFS iyo hay’adda USAID oo Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay dib u eegistii hiigsiga horumarinta

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Madaxa Hay’adda Horumarinta…

GudahaWararka
May 7, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay qaar kamid ah Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed.

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaar kamid…

GudahaWararka
January 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023