Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha
    May 13, 2025
    Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada 
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Magac walba oo ay noo bixiyeen, maanta iyaga ayaa shalaay jooga (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Magac walba oo ay noo bixiyeen, maanta iyaga ayaa shalaay jooga (Warbixin).
Maqaallada

Magac walba oo ay noo bixiyeen, maanta iyaga ayaa shalaay jooga (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 14, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,( SONNA):- Bilowgii so ifa-bixida Khawaarijta Al-shabaab, waxay soo saareen go’aanno ah ciddii salaanta ciidanka in la dili doono, go’aankaas ayaa ahaa mid lagu kala fogeynayo isla shaqeynta ciidanka iyo shacabka, taas oo dhabar jab ku noqoneysa argagixisada haddii ay is fahmaan ciidamada iyo shacabka.

Go’aankaas guracan waxay ku dileen dhalinyaro badan oo u hoggaansami waayay amarka Khawaarijta, balse ku dhowaad dhowr iyo toban Sano ka dib, shacabka ayaa ku dhiiraday in ay ka tallaabaan amaradii Al-shabaab ay ku cabsi gelin jirtay.

Waxaana qof kasta uu ogaaday shaxda uu Al-shabaab u isticmaalo shacabka, sidoo kale, waxay u bixiyeen magacyo qalafsan oo ay ku bahdilayaan sumcadda iyo sharafta ciidamada, magacyadaas foosha xun ee Khawaarijta Ku marin habaabin jirtay shacabka waxaa ka mid ahaa calool-uus, Maryo-callas, Gaalo Kalkaal, Mujrim, kaafir iyo kuwo kale oo ka sii xun.

Balse, sanadihii ugu dambeeyay waxay indhuhu ay qabanayeen marka aad booqato baraha Bulshada dhalinyaro ku lebisan dareeska ciidamada. Kuwo kale, oo ku faanaya in ay xirtaan mar un dareeska ciidamada, ficiladaas dhallinyarada ka timid ayaa bilow wanaagsan u noqday isdhexgalka Bulshada iyo ciidanka oo difaac ku kala jiray.

” waxaan u taagan nahay waxay tahay inaan ka dulqaadno dadkan masaakiinta ah ee shacabka Soomaaliyeed aan u dhaaranay inaan mar walba cadowga ka ilaalino, balankeenuna uu ahaa caqabad nama joojin karto, sidaa darteed, waxaan u baahan nahay nimankan Khawaarijta ficilkooda guracan iyo dhaqankooda foosha xun iyo baadda iyo dhaca dadka ku hayaan inaan ka dulqaadno,”.

Xilligan oo ay wariyaasheennu ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, ku dhowaad labadii bilood ee la soo dhaafay, bil ka mid ah waxay howdka ku wada qaateen bishii Barakeysneyd ee Ramadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

” Khawaarijtu waa dad naxariis lahayn, dadka waa gumaadaan, anagana meeshan waxaan ugu talagalnay inaan shacabka ka xoreyno, waxaan u soo dhaqaaqnay inaan Diinteenna, Dalkeenna iyo Dadkeennu cadowga ka difaacno,’ ayuu yiri askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta qaranka.

15-maalin oo ka mid ah bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, waxa ay lugeynayeen maalintii ku dhowaad 7 ilaa 8-km, iyaga oo sooman, salaadana aan ka tegin, cadceedu oo aad u kulul, gaajana u sii dheer tahay.

Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab ayaa ugu sheekaya shacabka aan arkin harka Dowladnimada 15kii Sano ee la soo dhaafay in ciidanka Dowladda ay Gaalo yihiin.

” Kuwa Gaalo waa dhahaayo kawaran ma soomaan ma salaadaan, kuwaas Ilaahbaa haleeyay, waa dadkii Nabiga ( CSW), sheegay weeyaan, ninkii dila iyo ninkii ay dilaanba labadaba jannada lagu gelayaa,” ayuu yiri, mid ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Deegaanno badan ayay ka qixiyeen dadkii degganaa, gabdho yar yar iyo hooyooyin u soo aroor tegay ceelasha biyaha deegaannadaas ayay maalin walba caawiyaan ciidanka, balse falcelinta ka imaanayay shacabka ayaa ahayd ” Alle nagama qaado wiilasheenna,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku (SONNA): Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Deegaanada galbeedka Jowhar oo laga bilaabay hawlgall lagu ciribtirayo khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal…

Maqaallada
March 16, 2023

Guusha laga gaaray hannaankii deyn cafinta (WARBIXIN)

23-kii bishii Nofember ee sanadkii hore Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay…

GudahaMaqaallada
February 12, 2025

Khilaafka u dhaxeeya horjoogayaasha khawaarijta oo sii xoogeystay  

Kadib kolkii khawaarijta looga adkaaday dagaalada ka socda gudaha dalka,waxaa sii kordhaya kala shakiga iyo khilaafka xooggan ee soo kala…

GudahaMaqaallada
March 3, 2023

Khawaarijta oo xirxirtay odayaal dhaqameed hore ugu shaqayn jiray

Muqdisho(SONNA):-Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen khawaarijta waxa ay suurta galisay in khawaarijta laga saaro…

MaqaalladaWararka
April 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023