Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Tanzania oo yeelanaya khad duulimaad toos ah
    July 2, 2025
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY MUNAASABADDA 65-GUURADA EE TODOBAADKA XORRIYADDA
    July 2, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee Yugaandha oo qabatay xuska 1-da Luulyo
    July 2, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas
    July 1, 2025
    Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya 
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Shiikh” Waxaan rejo wanaagsan ka qabaa in ay Soomaaliya ka guuleysan doonto caqabad kasta,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Madaxweyne Xasan Shiikh” Waxaan rejo wanaagsan ka qabaa in ay Soomaaliya ka guuleysan doonto caqabad kasta,”
Maqaallada

Madaxweyne Xasan Shiikh” Waxaan rejo wanaagsan ka qabaa in ay Soomaaliya ka guuleysan doonto caqabad kasta,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 19, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Midowga Afrika oo ka socda magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga sida la dagaallanka Khawaarijta, arrimaha  dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda, wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay taageerada Midowga Afrika ee dowladaha xubnaha ka ah ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kullamo doceedyo muhiim ah la yeeshay madaxda Midowga Afrika ee shirka ka qeyb galay sida Ra’iisul wasaaraha dalka Ethopia mudane Abey Ahmed, Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame iyo madax kale, kuwaas oo uu dhammaantood kala hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dalka iyo sidii la iskaashi loo sameyn lahaa, xaaladda Gobolka Geeska Afrika, arrimaha dhaqaalaha iyo dardar galinta howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda dalka.

Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay in wadajir, shaqo adag iyo ballanqaad siyaasadeed oo dhab ah, Soomaaliya ay ka guulaysan doonto caqabad kasta,isla markaana ka dhabeyn doonno isbaddallada cadcad ee siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee aan ku hoggaaminaynno dalkeenna.

Dowladdiisu ayuu tilmaamay in ay diiradda saari doonto dhisidda jawi lagu heli karo horumar waari-og oo baahida dadka ku salaysan, iyadoo lagu bilaabayo sidii nabadda uga ilaashan lahayn ururka argagigixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab lana kaashanaynna dhammaan bahwadaagteenna caalamiga ah.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri “Hal-ku-dheggaygii doorashada ee guulaystay wuxuu ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”. Waxay tani caddayn u tahay sida dowladdaydu si firfircoon u baadigoobayso inay xoojiso dhammaan xiriirrada ay horey ula lahayd saaxiibbada caalamiga ah iyo sidii ay cilaaqaad hor leh ula samaysan lahayd kuwo kale si aan u xaqiijinno inaan dhammaanteen wadaagno horumarka iyo barwaaqada maanta caalamka ka jira”.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhammaan soo dhowaynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo tilmaamay in ay ka go’an tahay  la shaqeynta Midowga Afrika, dowladaha xubnaha ka ah iyo dhammaan bahwadaagteenna qaalliga ah looga dhigo Soomaaliya, Afrika iyo adduunka meel nabdoon, horumarsan, barwaaqo u ah muwaadiniinteenna oo idil.

Caqabadaha ugu waa weyn ee Soomaaliya haatan wajaheyso lana doonayo in si wadajir ah looga gudbo ayuu ku sheegay madaxweynaha la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, la tacaalidda isbaddalka cimilada, kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo sida maalgalinta ajandayaasha horumarineed ee adduunka sida kuwa ku xusan Ajandaha 2030 ee Horumar Waari-og ee Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, madaxweynaya ayaa dul istaagay howlgallada ka dhanka Khawaarijta ee ka socda dalka, wuxuuna qiray in horumar waa weyn laga gaaray, meelo badana laga xoreeyay Khawaarijta, wuxuuna ku bogaadiyay ciidanka qaranka dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga oo iska kaashanaya howlgalladaas.

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in weerarkii ugu dambeeyay ee kooxda Khawaarijta looga dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta. Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka, iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay in ka badan 300 oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan deegaanada maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Tanzania oo yeelanaya khad duulimaad toos ah

Dar es Salaam-(SONNA)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ayaa maanta kala saxiixday baaq…

July 2, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kumaandooska Danab oo howlgal gaar ah ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo qorsheynayay in ay weerar fuleynimo ah ka fuliyaan deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku…

GudahaMaqaalladaWararka
August 13, 2023

HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA Qeybti 5aad

HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA OLOLAHA HORUMARINTA REER MIYIGA • Labaatan iyo labo aamustiyo, shaqal irmaaneeya • Amran iyo tilmaamiyo gudbe,…

Maqaallada
October 6, 2019

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya waxa uu sanadkaan meel mariyay dhowr Hindise sharciyeed oo ay ka mid yihiin seddex Hindse-Sharciyeed…

GudahaMaqaallada
March 12, 2023

Warbaahinta qaranka oo heshay Liiska odayaal khawaarijtu xir xirtay

Muqdisho(SONNA):-Warbaahinta qaranka oo heshay Liiska odayaal khawaarijtu xir xirtay Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen…

MaqaalladaWararka
April 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023