Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta
    February 14, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka
    February 14, 2026
    Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga
    February 14, 2026
    Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga
    February 13, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 13, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Shiikh” Waxaan rejo wanaagsan ka qabaa in ay Soomaaliya ka guuleysan doonto caqabad kasta,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Madaxweyne Xasan Shiikh” Waxaan rejo wanaagsan ka qabaa in ay Soomaaliya ka guuleysan doonto caqabad kasta,”
Maqaallada

Madaxweyne Xasan Shiikh” Waxaan rejo wanaagsan ka qabaa in ay Soomaaliya ka guuleysan doonto caqabad kasta,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 19, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Midowga Afrika oo ka socda magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga sida la dagaallanka Khawaarijta, arrimaha  dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda, wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay taageerada Midowga Afrika ee dowladaha xubnaha ka ah ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kullamo doceedyo muhiim ah la yeeshay madaxda Midowga Afrika ee shirka ka qeyb galay sida Ra’iisul wasaaraha dalka Ethopia mudane Abey Ahmed, Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame iyo madax kale, kuwaas oo uu dhammaantood kala hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dalka iyo sidii la iskaashi loo sameyn lahaa, xaaladda Gobolka Geeska Afrika, arrimaha dhaqaalaha iyo dardar galinta howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda dalka.

Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay in wadajir, shaqo adag iyo ballanqaad siyaasadeed oo dhab ah, Soomaaliya ay ka guulaysan doonto caqabad kasta,isla markaana ka dhabeyn doonno isbaddallada cadcad ee siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee aan ku hoggaaminaynno dalkeenna.

Dowladdiisu ayuu tilmaamay in ay diiradda saari doonto dhisidda jawi lagu heli karo horumar waari-og oo baahida dadka ku salaysan, iyadoo lagu bilaabayo sidii nabadda uga ilaashan lahayn ururka argagigixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab lana kaashanaynna dhammaan bahwadaagteenna caalamiga ah.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri “Hal-ku-dheggaygii doorashada ee guulaystay wuxuu ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”. Waxay tani caddayn u tahay sida dowladdaydu si firfircoon u baadigoobayso inay xoojiso dhammaan xiriirrada ay horey ula lahayd saaxiibbada caalamiga ah iyo sidii ay cilaaqaad hor leh ula samaysan lahayd kuwo kale si aan u xaqiijinno inaan dhammaanteen wadaagno horumarka iyo barwaaqada maanta caalamka ka jira”.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhammaan soo dhowaynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo tilmaamay in ay ka go’an tahay  la shaqeynta Midowga Afrika, dowladaha xubnaha ka ah iyo dhammaan bahwadaagteenna qaalliga ah looga dhigo Soomaaliya, Afrika iyo adduunka meel nabdoon, horumarsan, barwaaqo u ah muwaadiniinteenna oo idil.

Caqabadaha ugu waa weyn ee Soomaaliya haatan wajaheyso lana doonayo in si wadajir ah looga gudbo ayuu ku sheegay madaxweynaha la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, la tacaalidda isbaddalka cimilada, kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo sida maalgalinta ajandayaasha horumarineed ee adduunka sida kuwa ku xusan Ajandaha 2030 ee Horumar Waari-og ee Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, madaxweynaya ayaa dul istaagay howlgallada ka dhanka Khawaarijta ee ka socda dalka, wuxuuna qiray in horumar waa weyn laga gaaray, meelo badana laga xoreeyay Khawaarijta, wuxuuna ku bogaadiyay ciidanka qaranka dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga oo iska kaashanaya howlgalladaas.

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in weerarkii ugu dambeeyay ee kooxda Khawaarijta looga dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta. Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka, iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay in ka badan 300 oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan deegaanada maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Muqdisho(SONNA):Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo xalay hadal ka jeediyey madal…

February 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda oo si weyn ula socota dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta (WARBIXIN)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo sedddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah…

GudahaMaqaallada
May 27, 2024

‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa…

GudahaMaqaalladaWararka
May 24, 2025

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)

Wadatashi waa nidaam aasaasi ah oo aan looga maarmin in la helo talo loo dhan yahay oo lagu dhiso maamul…

GudahaMaqaallada
May 30, 2021

Khawaariijta oo go’adoomisay horjoogeyaal isugu jira Ajaanib iyo Soomaali

Muqdisho(SONNA):-Kooxda naxariista daran ee khawaariijta Al-shabaab ayaa wajahaya cabsidii ugu darnad ka dib markii jab xooggan ay kala kulmeen howlgallada…

MaqaalladaWararka
February 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023