Diinsoor-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee ku wehliya Safarkiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Diinsoor kusoo dhoweeyay masโuuliyiinta maamulka Degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
C/casiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inta uu halkaasi ku sugan yahay in uu ka qeyb galo xafladda caleema saarka maamulka Cusub ee Degmada Diinsoor oo ay dhawaan soo doorteen Golaha degaanka ee Degmadaas.