Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 20, 2026
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxay ka dhigantahay billadsharaf heerka qaran ah ee la guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxay ka dhigantahay billadsharaf heerka qaran ah ee la guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur
Maqaallada

Maxay ka dhigantahay billadsharaf heerka qaran ah ee la guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur

By Abdulkadir
Last updated: December 16, 2024
4 Min Read
Share

Afka mirifrirkiisiyo
Buuni weeye Mansuur
Mahwi weeye aan gurin
Mufti weeye gaammurey
Muqni weeye kaafiya
Muguc weeye shaafi ah
Mad-hab weeye teeri ah.

Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uu
billadsharaf heer qaran ah uu guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof.Annarita Puglielli ? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta Qalinka, tixgelinta gaarhaya aqoonta, ilaalinta naftiihuraha cilmibaarista, bidhaaminta gudashada iyo garashada daljirka, muujinta hormuudka iyo foolaadka danjiraha qalinka iyo qoraalka ummadda Soomaaliyeed.

Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuuriyo Xurmo Prof. Annarita waxa ay astaan u yihiin dadnimada iyo kartida qofka. Marka aad dheehato dhanbaallada taariikhda iyo galalka ummadaha kale waxa aad ogaanaysaa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay in wax laga dhaado, laga gunto, laga weeleeyo, laga xigto, laga ururiyo geeddisocodkooda aqooneed iyo sahankooda ku qotoma waaya-aragnimada iyo dunwanaagga qofnimo.

Shirkan lagu maamuusayey Cilmibaarista iyo daaraasaadka waxa iska kaashaday Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya —Somali Studies International Association – (SSIA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

BARE SARE CABDALLE CUMAR MANSUUR waa canqariye bulsho, ababiye dhallaan, gaadiidcelis qaran, marna waa layliyay qof kasta oo u hollada inuu qalinka mar uun wax ku duugo.Xeeldheere Cabdalle Cumar Mansuur waxa uu horay u yri : “Waxa ina mideeya, waa afka hooyee, aynu midayno, habdhigaalkiisa”.

Badweyn moolkeedu fog yahay ayaa lagu tilmaamaa marka laga hadlayo qiimaha qalinka.Milggayn iyo maamuusid ayuu huwiyey Madaxweynaha Qaranku Pfof Cabdalle Cumar Mansuur. Qaranjabkii Soomaaliya ku habsadey waxa uu meesha ka saaray kaalinta cilmibaarista iyo ilaalintii qalinka iyo qoraalka.Taasina waxa ay keentay in dhaqankii baylah noqdo, sooyaalkii dhalan-rogmo, afkii dhimaal iyo hoos-u-dhac ku yurursado, cilmibaaristii na gaaggaxdo, gabaabsi noqoto haybtii ummaddu lahayd. Waxa se dhexda u xirtay inuu badbaadiyo wixii Soomaali lahayd maarshaalka garashada mudane maddaale Prof Cabdalla Cumar Mansuur.

Haddii aan qeyb ka mid ah waxqabadkiisa ina xusuusiyo waxa ka mid ah: Bahda Afafka Kushiitik iyo Taariikhda af Soomaaliga, Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed, Diiwaanka Ereybixnta Af Soomaaliga (1) (Ereybixnta Maamulka & Afka)—Mansuur (diyaarin & ururin), Diiwaanka Ereybixinta Af Soomaaliga (2) (Ereybixnta Cilmiga)—Mansuur (diyaarin & ururin), Diiwaanka Ereybixnta af Soomaaliga (3) (Ereybixnta Farsamada & Culuunta)—Mansuur (diyaarin & ururin), Le Lingue Cuscitiche e il Somalo (8), La Storia della Religione Tradizionale del Cusciti (The History of the Cushitic Traditional Religion), Taariikhda Afka & Bulshada Soomaaliyeed, Habdhigaalka af Soomaaliga Guud —Midayn, Horumarin & Casriyayn, Barashada Naxwaha af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Qaamuuska af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Qaamuuska Dugsiyada af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Seeska Naxwaha af Soomaaliga—Mansuur & Idiris M. Cali.

MAARSHAALKA GARASHADU waa maanso kooban oo aan ku cabbiray qiimaha iyo milgaha uu leeyahy mudane Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur.Waxa ayna tiri:

Afka mirifrirkiisiyo
Buuni weeye Mansuur
Mahwi weeye aan gurin
Mufti weeye gaammurey
Muqni weeye kaafiya
Muguc weeye shaafi ah
Mad-hab weeye teeri ah.

Qaamuuska madiga ah
Ereyada magowsaday
Makaabkiisu adag yahay
Milayguu u sarakacay
Mar hadduu innoo qoray
Mintid weeye gudasho leh
Marna waa maddaaliyo
MAARSHAALKA GARASHADA!

Moorada naxwaha guud
Magaciyo falkaabyada
Meelaynta weedhaha
Maaraynta qurubyada
Iyo magacuyaallada
Waa maqaddamkeedoo
Qofna ku ma masuugoo
Ku ma furo masaladaha
Muran iyo akeekamid.

Marna hirarka gabayguu
Milaalaa mudhbixiyaa
Marsadiisa joogaa
Miisaan gorfaynliyo
Mahadhooyin curiyaa
Muhashada aqoontuu
Marsinkeeda keenaa
Madal loo hiloobuu
Maageer u waabaa.

Waa musbaax hanuunoo
Mugddi lagaga guuroo
Mowjadaha ogaalkuu
Marjiceeda noo yahay
Maaraynta xarafkana
Marmaroor hadduu galo
Midayn laysu weriyiyo
Masdarkeeda weeyaan.

Taariikhda moolka ah
Maalmaha silsaladda ah
Maansadeenna Soomaal
Miiddiyo macaanka leh
Madxaf laga gunnaystiyo
Musdanbeedka weeyoo
Maankiyo garaadkuu
Misciliil u yahay adag.

– W/Q.Maxamuud Cali Aadan (Hoorri] cilmibaare ka tirsan Akademiyadda Dhaqanka, Cilmiga & Suugaanta iyo bare ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA...- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka,…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)

Muqdisho(SONNA):-Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay…

Maqaallada
January 7, 2023

Masagawaa magaalo caan ku ahayd fidinta Diinta islaamka

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay dhibaatooyinka ay u geystay bulshada Soomaaliyeed kuma eka oo qura dilalka, boob iyo dhaqan doorinta…

MaqaalladaWararka
February 4, 2023

70 jir ka Qalin jabiyay Jaamacaddii uu wardiyaha ka ahaa( Warbixin)

Guriceel(SONNA):-Suldaan Maxamed Sheekh Faarax wuxuu sannado ka dib, dhammeeyay Jaamacadda Safaana ee degmada Guriceel, wuxuuna ka baxay kuliyadda shareeca Wal-qaanuun.…

GudahaMaqaalladaWararka
October 31, 2023

Maxaa ka fulay balanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciribtirka Khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-12kii bishii May,2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud inta uusan ku guuleysan kursiga madaxweyne, maalinkaa wuxuu weydiistay Baarlamaanka…

MaqaalladaWararka
February 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023