Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxay ka dhigantahay billadsharaf heerka qaran ah ee la guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxay ka dhigantahay billadsharaf heerka qaran ah ee la guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur
Maqaallada

Maxay ka dhigantahay billadsharaf heerka qaran ah ee la guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur

By Abdulkadir
Last updated: December 16, 2024
4 Min Read
Share

Afka mirifrirkiisiyo
Buuni weeye Mansuur
Mahwi weeye aan gurin
Mufti weeye gaammurey
Muqni weeye kaafiya
Muguc weeye shaafi ah
Mad-hab weeye teeri ah.

Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uu
billadsharaf heer qaran ah uu guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof.Annarita Puglielli ? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta Qalinka, tixgelinta gaarhaya aqoonta, ilaalinta naftiihuraha cilmibaarista, bidhaaminta gudashada iyo garashada daljirka, muujinta hormuudka iyo foolaadka danjiraha qalinka iyo qoraalka ummadda Soomaaliyeed.

Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuuriyo Xurmo Prof. Annarita waxa ay astaan u yihiin dadnimada iyo kartida qofka. Marka aad dheehato dhanbaallada taariikhda iyo galalka ummadaha kale waxa aad ogaanaysaa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay in wax laga dhaado, laga gunto, laga weeleeyo, laga xigto, laga ururiyo geeddisocodkooda aqooneed iyo sahankooda ku qotoma waaya-aragnimada iyo dunwanaagga qofnimo.

Shirkan lagu maamuusayey Cilmibaarista iyo daaraasaadka waxa iska kaashaday Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya โ€”Somali Studies International Association – (SSIA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

BARE SARE CABDALLE CUMAR MANSUUR waa canqariye bulsho, ababiye dhallaan, gaadiidcelis qaran, marna waa layliyay qof kasta oo u hollada inuu qalinka mar uun wax ku duugo.Xeeldheere Cabdalle Cumar Mansuur waxa uu horay u yri : โ€œWaxa ina mideeya, waa afka hooyee, aynu midayno, habdhigaalkiisaโ€.

Badweyn moolkeedu fog yahay ayaa lagu tilmaamaa marka laga hadlayo qiimaha qalinka.Milggayn iyo maamuusid ayuu huwiyey Madaxweynaha Qaranku Pfof Cabdalle Cumar Mansuur. Qaranjabkii Soomaaliya ku habsadey waxa uu meesha ka saaray kaalinta cilmibaarista iyo ilaalintii qalinka iyo qoraalka.Taasina waxa ay keentay in dhaqankii baylah noqdo, sooyaalkii dhalan-rogmo, afkii dhimaal iyo hoos-u-dhac ku yurursado, cilmibaaristii na gaaggaxdo, gabaabsi noqoto haybtii ummaddu lahayd. Waxa se dhexda u xirtay inuu badbaadiyo wixii Soomaali lahayd maarshaalka garashada mudane maddaale Prof Cabdalla Cumar Mansuur.

Haddii aan qeyb ka mid ah waxqabadkiisa ina xusuusiyo waxa ka mid ah: Bahda Afafka Kushiitik iyo Taariikhda af Soomaaliga, Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed, Diiwaanka Ereybixnta Af Soomaaliga (1) (Ereybixnta Maamulka & Afka)โ€”Mansuur (diyaarin & ururin), Diiwaanka Ereybixinta Af Soomaaliga (2) (Ereybixnta Cilmiga)โ€”Mansuur (diyaarin & ururin), Diiwaanka Ereybixnta af Soomaaliga (3) (Ereybixnta Farsamada & Culuunta)โ€”Mansuur (diyaarin & ururin), Le Lingue Cuscitiche e il Somalo (8), La Storia della Religione Tradizionale del Cusciti (The History of the Cushitic Traditional Religion), Taariikhda Afka & Bulshada Soomaaliyeed, Habdhigaalka af Soomaaliga Guud โ€”Midayn, Horumarin & Casriyayn, Barashada Naxwaha af Soomaaliga โ€”Mansuur & Annarita Puglielli, Qaamuuska af Soomaaliga โ€”Mansuur & Annarita Puglielli, Qaamuuska Dugsiyada af Soomaaliga โ€”Mansuur & Annarita Puglielli, Seeska Naxwaha af Soomaaligaโ€”Mansuur & Idiris M. Cali.

MAARSHAALKA GARASHADU waa maanso kooban oo aan ku cabbiray qiimaha iyo milgaha uu leeyahy mudane Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur.Waxa ayna tiri:

Afka mirifrirkiisiyo
Buuni weeye Mansuur
Mahwi weeye aan gurin
Mufti weeye gaammurey
Muqni weeye kaafiya
Muguc weeye shaafi ah
Mad-hab weeye teeri ah.

Qaamuuska madiga ah
Ereyada magowsaday
Makaabkiisu adag yahay
Milayguu u sarakacay
Mar hadduu innoo qoray
Mintid weeye gudasho leh
Marna waa maddaaliyo
MAARSHAALKA GARASHADA!

Moorada naxwaha guud
Magaciyo falkaabyada
Meelaynta weedhaha
Maaraynta qurubyada
Iyo magacuyaallada
Waa maqaddamkeedoo
Qofna ku ma masuugoo
Ku ma furo masaladaha
Muran iyo akeekamid.

Marna hirarka gabayguu
Milaalaa mudhbixiyaa
Marsadiisa joogaa
Miisaan gorfaynliyo
Mahadhooyin curiyaa
Muhashada aqoontuu
Marsinkeeda keenaa
Madal loo hiloobuu
Maageer u waabaa.

Waa musbaax hanuunoo
Mugddi lagaga guuroo
Mowjadaha ogaalkuu
Marjiceeda noo yahay
Maaraynta xarafkana
Marmaroor hadduu galo
Midayn laysu weriyiyo
Masdarkeeda weeyaan.

Taariikhda moolka ah
Maalmaha silsaladda ah
Maansadeenna Soomaal
Miiddiyo macaanka leh
Madxaf laga gunnaystiyo
Musdanbeedka weeyoo
Maankiyo garaadkuu
Misciliil u yahay adag.

– W/Q.Maxamuud Cali Aadan (Hoorri] cilmibaare ka tirsan Akademiyadda Dhaqanka, Cilmiga & Suugaanta iyo bare ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska Maalinta Afka Carabiga(Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Afka Carabigu waa tiir ka mid ah dhaqamada kala duwanaanshaha aadanaha. Waa mid ka mid ah luqadaha looga hadlo adduunka…

MaqaalladaWararka
December 18, 2022

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

Xuska maalinta macallinka Soomaaliya waxaa sanad kasta lagu qabtaa gudaha Dalka Soomaaliya,waana maalin ku wayn quluubta umadda oo loo dabbaaldego…

GudahaMaqaallada
November 22, 2025

Heshiiskii Ankara oo Soomaliya u ah guul diblomaasiyadeed (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey goโ€™aan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafkooda ku saabsanaa doonista Itoobiya oo aan bad…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
December 14, 2024

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta caasimadda (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh,…

Maqaallada
May 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023