Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa siminaar ku saabsan fahamka federaalka iyo qodobo kale u qabatay 30 Wariye oo ka howlgala magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Warfaafinta GalMudug, Axmed Shire Falagle, oo xiritaanka siminaarka ka hadlay ayaa sheegay in u jeedka loo qabtay tababarkaan uu yahay sidii bahda saxaafadda u heli lahaayeen faham dhab ah oo ku aadan hannaanka federaalka ee dalku qaatay.
Tababrkaanoo ahaa mid loogu takagalay hal cisho,waxaa munaasabadda xiritaankii ka qeybgalay wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdi Maxamed Jaamac,kuwaas oo ku booriyeen saxafiyiinta in ay noqdaan kuwa ka shaqeeya wanaaga iyo horumarka dalka.