Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo howlo shaqo u jooga Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaasha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana uu warbixin ka siiyey ujeedka imaanshaha wafdiga uu hogaaminayo, isagoo faray in la dardargeliyo howlaha wasaaradaha Koonfur Galbeed, si aysan hakad u gelin adeegyada loo haayo bulshada.
Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa warbixin ka siiyey howlaha ay bulshada reer Koonfur Galbeed u haayaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan dardargelinta u adeegida bulshada, isagoo u sheegay in ay shaqada wasaaradaha ay sii wadaan inta laga qabanaayo doorasho ay raali ka yihiin bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo