Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta oo Saddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo Saddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Khawaarijta oo Saddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 17, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xorreynta degaanka ayaa si buuxda u la wareegay gacan ku heynta Magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud iyo  Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ah, waxayna Ciidamadu ay degaanadaasi ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga degaanadaasi,mana jirin wax iska hor imaad ah oo ciidamadu ay la kulmeen,kooxda khawaarijta.

Haddaan dib u jaleecno taariikhda Magaalooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, aynu ku bilowno Magaalada Ceeldheer waxaa degmo ahaan loo magacaabay sanadkii 1963-kii, waxayna Muqdisho u jirtaa 320km, iyadoo markii hore la oran jiray Mareeg, kadibna loo soo wareegay deegaanka ay hadda ku taal, waxaana lagu xasuustaa waa meeha uu ku dhashay AUN Janeraal Daaud Cabdulle Xirsi, Cali Geeddi Shadoor oo laga soo dooran jiray Magaaladaasi sanadihii 60-meeyadii iyo masuuliyiin kale, waana Deegaan ku fiican dhinacyada Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga.

Magaalada Xarardheere waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee laga dhiso gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxayna Magaalada Muqdisho u jirtasa masaafo dhan 500km, waxaa iyada lagu xasuustaa waxaa ka soo jeeday AUN Madaxweynhii labaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Generaal Salaad Gabeyre Sabriye, Maxamed Saciid Ciyoow Gentelman oo deegaan doorashadiisu aheyd Xarardheere sanadihii 60-meeyadii iyo masuuliyiin kale, Magaaladaasi ayaa waxa uu dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay dhinacyada Xoolaha, Beeraha iyo Kalluneysiga.

La wareegiidda Magaalooyinka Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere waxaa ka hadalay Mas’uuliyiin badan, waxaana ka mid ahaa Madaxweynhii hore ee Maamul-goboleedka Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed, wuxuuna soo saaray qoraal uu ka hadlaayo Dib u xoreynta Deegaannadaasi, wuxuuna qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.” Taas oo uga hadlayo guulaha ciidamadda dowladda iyo la wareegista degmada Xarardheere.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in qabashada degmada Xarardheere ay tahay guul weyn “Gacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug waa talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha Argagaxisada ah.”.

Degmada Xarardheere waxay aheyd saldhig muhiim u aheyd kooxaha Argagaxisada, iyadoo aheyd xaruunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan, goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan. sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay “Xoonkii Al-shabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jaray”. Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta kale ee ka hadashay waxaa ka nid ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sh. Cadaala oo si qoto dheer uga hadlay, ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Xarardheere ay tahay magaalo fac wayn, kana mid ah magaalooyinkii ugu hor qaatay maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo, isagoo intaasi raaciyay in ay  jiraan arrimo dhawr ah oo ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Xukunka Khawaarijta, waxaana loo arka in ay ku jirtay shanta Magaalo ee ugu muhiimsanaa Khawaarijta, isagoo sababeynaayana waxa uu qormadiisa ku sheegay.

Sababo badan ayaa jiray, balse waxaan soo qaadanayaa Dhawr qodob kuwaas oo mudan in loo iftiimiyo Bulshada.

1- dhoofiinta iyo soo dajinta dambiilayaasha.

Khawaarijtu waxa ay Magaaladaan u isticmaalijireen in ay ka dhoofiyaan kana soo dajiyaan dambiilayaasha Caalamiga ah kuwaas oo ka faaiidaysnjiray Dekadaha Nacmalka ah ee ku dhaw Magaaladaas kuwaas oo u sahlan in laga dhoofo lagana soo dago kuna furan Bad waynta India iyo Badda Cas Labadaba.

2- daabulista Hubka iyo Walxaha Qarxa.

Xarardheere sidoo kale waxeey Khawaarijta u ahayd goob ay u isticmaalaan isku gudbinta Hubka iyo Waxyaabaha Qarxa iyaga oo uga faaiidaysanjiray isla dakadahaas macmalka ah, sidaas awgeed waxeey u ahayd Marin aad muhiim ugu ah in ay helaan agabka Dagaal ee ay u baahanyihiin Khawaarijtu.

3- Askaraynta Caruurta.

Khawaarijtu isla Magaaladaan waxeey u isticmaalijireen uruurinta iyo askaraynta Caruurta ay kasoo qafaashaan qooysaskooda taas oo ka dhigaysay Xarardheere Xarun aad muhiim ugu ah Khawaarijta gaar ahaan soo saarista Bini-aadamka ay Khawaarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

4- cabsi galinta Qabaailka.

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi galiso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaanka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray fariimaha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dhaqato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale waxaa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u balaaran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas awgeed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dhaqaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumiyaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab baaxad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu waynaa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijirtay bini’aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xornimadoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khawaarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.

Dib u xoraynta Degmada Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad waa guul kale oo taariikhi ah, Guushaasina Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta, siyaasad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaaray,  sidoo kalena  waxa ay guulahaasi marqaati u yihiin sida wada shaqeynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqabataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Khawaarijta oo laga nadiifiyo Hirshabeelle iyo Galmudug ay uga dhigan tahay sidii kalluun biyo waayay, sida uu horey u sheegay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna Khawaarijtu lumiyeen 3 Magaalo oo muhiim ah muddo 8 saacadood gudahood ah.

Diyaariye C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda iyo Maamulka Bangiga Adduunka oo heshiis kala saxiixday

Muqdisho...SONNA..Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wakiilka Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson ayaa Muqdisho ku …

GudahaWararka
June 30, 2021

Shirkadda diyaaradaha Dalka Rwanda oo duulimaadyo toos ah ka bilaabeyso dalal ay Soomaaliya ka midtahay

Muqdisho (SONNA)-Baarlamaanka dalka Rwanda ayaa ansixiyay heshiis ay diyaarada Rwanda Air ugu duuleyso shan dal oo ay Soomaaliya ku jirto.…

Wararka
November 19, 2020

‘Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amniga’ (WARBIXIN)

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada…

GudahaMaqaallada
June 24, 2024

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Muqdisho(SONNA): – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay…

GudahaWararka
July 6, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023