Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta oo Odayaasha Dhaqanka degmada Ceelbuur cabsi darteed ugu wareejiyay hubkooda. (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo Odayaasha Dhaqanka degmada Ceelbuur cabsi darteed ugu wareejiyay hubkooda. (Warbixin)
Maqaallada

Khawaarijta oo Odayaasha Dhaqanka degmada Ceelbuur cabsi darteed ugu wareejiyay hubkooda. (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 18, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- In dhawaalaba intii kooxda Khawaarijta Al-sabaab ay galeen maalmahoodii dhammaadka, waxaa sii xoogeysanayay cadaadiska haysta horjoogayaasha kooxda, iyagoo labo dhinac u kala qeybsamay sidii uu mustaqbalkooda noqon lahaa.

Horjoogayaal ka tirsan kooxda waxay soo jeediyeen in aysan u babac dhigi Karin duulaanka ku soo wajahan marka ay eegeen cududda ciidamad qalabka sida iyo xoogagga xoreynta deegaanka oo isgarabsanaya oo ku wajahan meelaha ay ku harsan yihiin deegaannada Galmudug ay go’aansaeen in ay isaga baxaan, halkaa iyagu doonaya qaarkood in ay isa soo dhiibaan.

Balse, waxaa jira horjoogayaal wali Khawaarijnimnada ku fogaatay oo doonaya in ay dagaallamaan, iyagoo dagaallamayana ifka laga qariyo.

Warar aynu ka helnay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyay in habeenimadii axadda ee isniintu ay soo galeysay, Ceelbuur afurkii ka dib uu ka dhacay shir dhexmaray horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-shabaab iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka. Shirkaas waxay odayaasha dhaqanka Khawaarijta kaga dalbadeen in laga bilaabo saacadaas la joogo hubka ay kooxdu ku heysatay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ay la wareegaan odayaasha dhaqanka ama qabiilada si hubka looga dhigo, hub ay beelo leeyihiin, ka dibna maleeshiyaadkii hubkaas heystay lagu dhex daro dadka deegaanka, iyaga oo loo ekeysiinayo in ay yihiin da rayid ah.

Horjoogayaashu waxay go’aansadeen in ay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ka baxaan iyo guud ahaanba Galmudug, maaddaama joogitaankoodii iyo ku noolaanshaha mustaqbalkoodii Galmudug gabi ahaanba uu meesha ka baxay.

Horjoogayaasha shirkaas qeybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa, horjooge Siciid Axmed Gaagaale oo ka soo jeeda deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud. Siciid Gaagaale waxaa la xaqiijiyay in odayaasha uu ku amray in hubka guud ahaanba ay la wareegaan, hubkaasina uu noqdo mid beeleed, iyadoo horjoogayaasha hubkaas heystay eek a tirsanaa Khawaarijta Al-shabaabna ay banneyn doonaan Galmudug, sida uu hadalka u dhigay Siciid Gaagaale.

Wareejinta Siciid Gaagaale, hubka uu ku wareejinayo odayaasha dhaqanka waxaa daba daal hanjabaad uu ugu hanjabayay in hubka yahay hub Shabaabku ka rabi doonaan odayaashu haddii ay fursad u helaan in ay ku soo laabtaan deegaankan.

Horjooge Siciid Axmed Gaagaale, waxaa la socda dhowr horjooge kale oo isaga heyb ahaan aad ugu dhow iyo kuwo kale, oo aan ku heyb ahayn, balse, Ceelbuur ka soo jeeda. Odayaasha dhaqanka, maaddaama hadda Ceelbuur ay joogaan Khawaarijta Al-shabaab malahan iqtiyaar ay ku kala doortaan ama ay ku diidaan warka horjoogaasha Al-shabaab ugu yimid, balse waxaa u furan oo kaliya warka loo sheego ay qaataan si naftooda iyo maalkooda ay uga badbaadsadaan.

Horjoogayaasha maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab wixii ka dambeeyay shirkii dhawaan degmada Ceelbuur ka dhacay ee ay ku kala tageen oo ay ku kala qeybsameen in Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ay Al-shabaab difaacan karaan iyo in kale, ayna garowsadeen in hadda aysan awoodin in ay difaacdaan degmada,islamarkaana ay go’aansadeen dhammaantood in Ceelbuur ay ka baxaan iyagoo rayid ah.

Ceelbuur waxay ka mid tahay meelaha dhowr iyo tobanka sano Khawaarijta Al-shabaab dadkeeda ay aadka ugu dhibaateynayeen, hadda’se waxay ku jiraan maalmihii ugu dambeeyay joogitaankooda Ceelbuur iyo meelaha la midka ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)

Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku soo jireen abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgal lagu soo afjarayo goobaha tirada yar ee Khawaarijtu…

GudahaMaqaallada
January 29, 2025

Sidee ayey Argagixisada Alshabaab Warbaahinta ugu adeegsadaan marin habaabinta Bulshada?

Muqdisho (SONNA)- Maleeshiyadda Argagixisada Alshabaab waxa ay xasuuq ba’an ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Guryaha Soomaaliyeed badankood waxaa gaaray xanuunka geerida…

Maqaallada
July 9, 2021

La yaab yaysan kugu noqon

Magaalada Xamar waxaa ka socota kala miir dhab ah, kadib markii uu dhacay 'Isku Milaniya', iyadodoo hey’adaha amniguna shaqo muuqata…

GudahaMaqaalladaWararka
August 27, 2025

Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda…

MaqaalladaWararka
January 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023