Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarta tan markii laga saaray degmada xarardheere waxaa deegaanka lagu arkayay raadadka ficillada gurracan oo khawaarijtu kula dhaqmi jireen Shacabka deegaanka oo mudda dheer ay khawaarijta dhibaato ku haysay.

Warbaahinta Qaranka oo u kuur galeysa xaallada guud รจe degmada Xarardheere ayaa booqatay goobihii qadiimiga ee degmadu lahayd,sida Suuqyadii,goobihii Caafimaadka, waxbarashada oo gabi ahaanba khawarijtu burburisay halka qaarkood aan in mudda ah lagu shaqeysan sida suuqii caanka ka ahaa deegaanka ee loo yaqiin Suuqii (Bartamaha),oo ay isaga carareen ganacsatadii ku ganacsan jiray kadib dhibatooyin ay kala kulmeen khawaarijta,waxa ayna taa cadeyn u tahay sida khawaarijtu xitaa u kala ilaalinayeen in dadku wada kulmaan ama bulshadu is dhax gasho.

Khawaarijta mudda ay gacanta ku hayeen degmada Xarardheere waxa ay sidoo kale caburin iyo dhibatooyin ku hayeen ganacsatdii meheradaha ganacsi ku lahaa degaaanka iyo kuwii maal gashan lahaa intaba,qaarkood ayaa isaga cararay degaanka,halkii kuwii awoodi wayay ay door bideen in ay ku noolaadaan dhibaatada khawaarijtu ay muddada dheer ku heysay degmada Xarardheere oo ah magaalo Xeebeed istaratiij ah kuna taal koonfurta Gobolka Mudug.

Cabdullahi Cabdi (Qorey) oo kamid ah ganacsatad Gobolka Mudug ayaa Warabaahinta Qaranka uga waramay dhibatooyinka sababay in ganacsatadu ya isaga cararaan deegaanka,isagoo sheegay in khawaarijtu dhib joogta ah iyo baad sharci darro ah ay ku hayeen ganacsatad islamarkaana ay sababtay in ganacsatadu ay isaga baxaan degaanka.

“Dhibatooyin isugu jiray handadaad,iyo amaro aysan ganacsatdu awoodin ayay nagu soo rogeyn,waxa dheer lacagaha baad ah ee maalin walba ay naga qaadi jireen,intaa iyo in ka badan ayaa sababay in ganacsiga degmadu xirmo”ayuu yiri ganacsade Cabdullahi Cabdi

Ganacsade Cabdullahi Cabdi (Qorey) ayaa sidoo kale ganacsatada Gobolka Mudug ugu baaqay in yimadaan degmada Xarardheere si ay u arkaan baahiyaha ganacsi ee ka jira deegaanka,si bulshada u hesho adegyadii degmadu lahaayd.

Ma ahan oo kaliya goobaha ay dhibatooyinka khawaarijta ku heysay ganacsatada gobolka Mudug inta ay gacanta ku hayeen ,ee sidaa si lamid ah waxa ay Dilal,xarig ,boob iyo burburin isugu dareen ganacsatada ku nool deegaanadii kale ee laga saaray khawaarijta,balsa markii dowladdu gaartay dib loo howlgeliyay intooda badan adeegyadii bulsho u baahneeyd oo ay ka mid tahy maamulkii deegaanka iyo laamihii amniga la dhiso,si bulshada ay u helaan adeegii dowaladnimo.

Guddoomiyaha deeganada Xarardheere Maxamuud Yuusuf (Kulmiye)ayaa bulshada faray in ay dib ugu soo laabtaan deegaanka lana furo ganacsiyada.

“Waxan idin kugu nimid in aan badbaadino naftiina iyo maalkiina ma nihin Cadawgii dhibka mudda dheer idinku hayay,wana in lagu soo laabto deegaanka, lana furo ganacsiga,cidii ka dhaga adeegto tillaabo ayaan ka qadeeynaa” sidaa waxa yiri guddoomiya degmada Xarardheere Maxamuud Yuusuf (Kulmiye

Ma ahan wax hal sheeko kaliya lagu soo koobi karo ficillada gurracan ay khawarijtu ku heysay bulsahada Soomaaliyeed,kadina sababtay in Shacabku kacaan islamarkaana ay iska Celiyaan khawaarijta baneeysatay nafta iyo maalkood,ugu dambeyna lagu jabiyay oo laga saaray inta badan degaanadii ay shacabku ku dhibateen jireen.

Degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug ayaa hadda hoos harsaneyso neecawda xornimo,waxan si buuxdo gacanta ugu hayo geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa dib u Xorreynta deegaanka oo naf iyo maal ku bixiyay sidii khawaarijta looga saari lahaa deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Ciidamda xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa wali wada howlgallada ka dhanka ah firxadka kooxda khawaarijta oo ku dhumaleysanayo deegaannada qaar,balsa geesiyaasha xoogga iyo shacabka oo isku duuban ay wacad ku maray in aysan ka hari doonin inta laga tir tirayo haraadiga naf la caariga ah ee khawaarijta,intaa kadibna dalku u jiheeysan doonaa Horumar iyo Nabad waarta.