Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarij badan oo lagu dilay howlgallo dhowr meel ka dhacay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarij badan oo lagu dilay howlgallo dhowr meel ka dhacay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khawaarij badan oo lagu dilay howlgallo dhowr meel ka dhacay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 11, 2023
8 Min Read
Share

Waxaa jirta in mar dhow uu dalka si rasmi ah uga billowdo Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa waxaa mar kale ujeedada dagaalkan waxaa faahfaahin ka bixiyay Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ka hor caddeeyay Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisa ay ka goโ€™an tahay la dagaalanka Shabaab, si dalka looga xoreeyo, isagoo carabka ku adkeeyay in Wejiga labaad ee howlgalka oo ay ka qeyb-qaadan doonaan dalalka dariska ah uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada gudaha Soomaaliya.

โ€œGoor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii Alle oggolaadoโ€ ayuu yiri Madaxwaynuh, sidoo kale wuxuu sii raaciyay โ€œKhawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka goโ€™an in la ciribtiro Al-shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qayb qaato.โ€ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay doorka culumada ee ku aadan dagaalka ay iclaamisay dowladdiisa, maadaama ay horay Fatwo uga saareen la dirirka Shabaab, waxa uuna intaasi kusii daray in bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay heli karaan ay dooneen taageero, si meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab. โ€œAnnagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay Culumaaโ€™udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.โ€ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab aysan dowladdu ka laheyn dan siyaasadeed, balse u jeedka uu yahay in shacabka laga dul-qaado kooxdaan oo weeraro saf-ballaaran ah ka fulisa dalka oo dhan iyo xitta dalalka dariska ah. โ€œWaxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan aheyn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga Shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin, sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay inay waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab.โ€ ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Marka iyadoo laga duulayo amarka Madaweynaha ayaa la wadaa diyaargorow iyo dagaallo hor leh oo ka dhan ah Kooxda Khawaarijta ah, waxaana xusid mudan in Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, uu Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka XDS, kuwaasi oo ku biiraya furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta, wuxuuna ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khwaarijta, isagoo ciidamada u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu la mid yahay kii Gumeeysiga la isaga dul qaaday, inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan.

โ€œWaxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran, suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta khawaarij ay qaadato dib shacabka ugu dhibateeyso, gobonimadeenno waa bar inta ay khawaarj dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsan yahay in aan dhameystirneenโ€sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga. Wasiirka ayaa sidoo kale ku dheraaday dhibaatada khawaarijta muddada dheer ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka goโ€™antahay cirintirka khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab, dalkana guud ahaan laga sifeyn doono khawaarijta.

Ciidamada xoogga dalka ayaa ka wada deegaanada ay khawaarijtu ku dhuumaaleysaneyso howlgallo looga saaray khawaarijta, si Shacabka Soomaaliyeed u helaan xornimo iyo in la gaarsiiyo adeegyada dowaladnimo oo ay u baahan yihiin, iyadoo Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta uu si lixaad leh uga socda goobo fara badan oo dalka ka mid ah. Mid ka mid ah hawlgadii ugu dambeeyay ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah waxaa uu xalay uu ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta iskuย  soo uruursadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inย  ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi, waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka Rayidka ah waxyeeleeyaan, iyadoo Shacabka magaalada Xagar ay si diiranย  u soo dhaweeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Dowlad goboleedka Jubbaland , kuwaasi oo goob fagaare ah isugu soo baxay, iyagoo muujiyey sida ugu faraxsan yihiin guusha ay ciidamada qalabka sida soo hooyeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Shacabka Xagarย  kula hadlay Bartamaha Magaalada waxaana ay uga Mahadceliyeen sida diiran ee ay u soo dhaweeyeenย  iyagoo u soo jeediyay inay ciidanka kala shaqeeyaan ciribtirka Khawaarijta, waxayna Ciidamadu si buuxda ula wareegay magaalada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ka mid goobaha ay Khawaarijtu muddo dheer shacabka ku dhibaateyneysay, waxaana ay ciidamada ku guda jiraan howlgalka khawaarijta dalka looga xoreynayo.

Dhinaca kale Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayeen deegaanno hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxayna Ciidanku howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaanno kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedada howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga Khawaarijta iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaasi oo la soo wadaaga xogta Khawaarijta dhuumaaleysiga ah, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas.

Waxaa kaloo jira in Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanayey Ciidanka degaanka Bajeela ay howlgal Qorshaysan oo ay ka fuliyeen Duleedka degaanka Baraag-Ciise waxay ku dileenย  xubin ka tirsanย  Maleeshiyaadย  khawaarijta halka mid kalenaย  nolosha ay ku qabteen, ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigayย  mooto, isgaarsiinta ciidanka, iyo hubkii ay wateen dhagar qabayaasha la weeraray.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markiiย  bulshada degan deegaan Baraag-Ciise ay ciidanka ku soo wargaliyeen in laga qaadayo lacago baad ah oo aysan awoodin, waxayna Sarkiisha howlgalka hogaaminaysay ay warbaahinta qaranka u sheegay in si guul ah uu ku sooย  dhaamaday howlgalka.

Howlgal kale oo ay Ciidamada xoogga dalka ku baacsanayeen firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobalka Shabeellada hoose,gaar ahaan degaanada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana Howlgalka lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaasi uga sameysteen Khawaarijtu.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle…

GudahaWararka
June 15, 2024

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ ๐š๐š๐๐๐š๐ง ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ย 

Muqdisho(SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u…

GudahaWararka
February 28, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Muqdisho, (SONNA):- Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar…

GudahaWararka
February 22, 2024

Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka dhan ah Argagixisada ka sameeyay buuraha galgala+Sawirro

Garoowe-(SONNA)-Ciidanka amniga Puntland ayaa howl-gal lagu sugayo amniga ka sameeyay degaannada kala ah Il , Camayra, Ceel-unkud, muguc iyo Karin-dawaco.…

GudahaWararka
September 1, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023