Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Kaalinta Xafiiska cusub UNTMIS (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 2, 2024
9 Min Read
Share

Ka dib markii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay sidaa codsatay, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku raacay oo uu qaraar ku soo saaray in UNSM looga guurayo UNTMIS.

1-dii bishan Nofember waxaa billowday Xafiiska cusub ee loo bixiyay UNTMIS, oo ah Barnaamijka Qaramada Midobbay oo laba sano gudahood si qunyar socodnimo ah howlihii Xafiiskii UNSOM midba mar ku wareejin doona Dowladda Federaalka ah iyo Laamaha Qarammada Midoobay iyaga oo raacaya jadwalka gooreysan ee kala guurka oo ay labada dhinac wadajir u soo diyaariyeen, Golaha Ammaankuna uu qaraarkiisa dhawaan ku qeexay.

Haddaba iyada oo aan loo kala harin ansaxinta Qaraarka 2753, ayaa Golaha Amaanka waxaa uu waajibaadkii u wareejiyey Howlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya, sida lagu qoray Bogga Wakiilka ku meel gaarka ah ee Qaramada Midbboya ee Soomaaliya.

Golaha Amaanka ayaa isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta guulihii laga gaarey nabadda iyo amniga ee Soomaaliya, waxaana uu dhawaan go’aansadey in Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM)) loo bixiyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya ( the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia) iyo in Hawlgalkan dambe uu si rasmi ah kalaguurka howlihiisa u bilaabo 1da Nofembar ee sanadkan.

Golaha oo dhammaan xubnihiisu iyaga oo aan u kala harin ay wada ansaxiyeen qaraarka 2753 (2024) (oo la soo saari doono isaga oo ah dokumenti S/RES/2753(2024)), ayaa sidoo kale go’aansadey in Howlgalka Ku-meelgaarka ah uu wejiga koowaad ee kala guurkiisa ku jiri doono ilaa 31ka Oktoobar 2025-ka. Tallaabooyinka ku dhigan faqradda 3aad ee qaraarka ayaa noqonaya marxaladda koowaad ee kalaguurka labada weji ka kooban ee lagu talogaley in howlgalka Ku-meelgaarka ah uu ugu xuubsiibto kooxda Qaramada Midoobey ee dalka, taas ayaana muujineysa doonistiisa ah in uu joojiyo howsha Howlgalka dhammaadka muddada kala guurka ee la saadaalinayo ugu dambeyn 31ka Oktoobar 2026-ka.

Arrimaha mudnaanta leh ee kalaguurka, ayaa qoraalku hoosta ka xarriiqey in ay yihiin taageeridda Qaran-dhisidda, oo ay soo hoos gelayaan geeddi-socodyada dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada ku aaddan qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah; dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqaha aadanaha; taageeridda talinta sharciga, waaxda asluubta iyo amniga; isuduwidda taageerada caalamiga ah ee deeq-bixiyeyaasha, la-shaqeynta bahwadaagta heshiisyada laba-geesoodka ah iyo kuwa geeso-badanta ah; iyo isuduwidda dadaallada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya gudaheeda ka socda.

Wakiilka dalka Sierra Leone oo hadalka qaatey ka dib markii la ansaxiyey qaraarka, oo sidoo kale u hadlayey dalalka Aljeeriya, Guyana iyo Mozambique, ayaa xusey in Dowladda Soomaaliya ay codsatey in kalaguur marxaladeysan UNSOM loogu beddelo Howlgal Ku-meelgaar ah  muddo laba sano ah, si gacan looga geysto xoojinta horumarkii laga gaarey geeddi-socodka Qaran-dhisidda. Waxaa uu ‘Haa’ ugu codeeyey qaraarka, si looga shaqeeyo in si taabogal ah loo hirgeliyo qorshaha Dowladda ee waaxda amniga, ayaa uu yiri, iyo sidoo kale qorshaha is-beddelka qaranka — labadaas qorshe oo ah kuwo muhiimad weyn u leh amniga dalka iyo guud ahaan kan gobolka.

Ansaxinta ayaa muujineysa in wadajir ahaan loo qirey horumarka ay gaartey Dowladda, kaas oo hadda la waafajinayo xaqiiqooyinka iyo baahiyaha dhabta ah ee dalka ka jira, ayaa  uu yiri, iyada oo ujeeddada ugu dambeysa ay tahay in mas’uuliyadaha lagu wareejiyo dalka martida loo yahay. Isaga oo ugu baaqey Hawlgalka Ku-meelgaarka ah in uu fududeeyo dadaallada ku wajahan doorashooyin xor iyo xalaal ah iyada oo loo marayo geeddi-socod loo dhan yahay, oo daahfuran oo kuna dhisan hal qof iyo hal cod, waxaa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wax walba laga hormariyo danaha Dowladdda Soomaaliyeed inta lagu guda jiro geeddi-socodka ku-meelgaarka ah.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska ka socdey ayaa Carrabka ku adkeeyey in UNSOM ay tan iyo markii la aasaasey sanadkii 2013kii, ay qaadaneysey door muhiim ah, iyada oo dalka siineysey hagid siyaasadeed, taageero farsamo iyo karti-dhisid. Inta uu Hawlgalka Ku-meelgaarka ah uu hawsha la wareegayo oo uuna bilaabayo in uu u xuubsiibto kooxda QM ee dalka, ayaa Dowladda Ingiriisku waxaa ay la shaqeyn doontaa dhammaan daneeyeyaaasha, iyada oo sii wadeysa in ay wax ka qabato waxyaabaha muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya.

Si taas ka ag dhow, ayaa isna ergeygii ka socdey Mareykanka waxaa uu xusey in Qaraarku uu sii wadayo waajibaadkii UNSOM, isaga oo isla mar ahaantaana dhexgelinaya talooyinka ku habboon. Waxaa uu Golaha ku waajibinayaa in uu sii wado dib-u-eegista xaaladaha ka jira deegaanka iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso doorashooyin ayna horumar joogto ah ka sameyneyso dib-u-heshiisiinta, xuquuqaha aadanaha, awoodsiinta haweenka iyo ilaalinta Suxufiyiinta.

Ereygii ka socdey Shiinaha oo ka hadlayey lahaanshaha ayaa xusey in UNSOM ay dadaallo waaweyn ku bixisey taageeridda geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo isuduwidda gargaarka caalamiga ah, hase yeeshee, waqtigan muhiimka ah, Hawlgalka Ku-meelgaarka ah waa in uu ixtiraamaa in geeddi-socodka ay hoggaamiyaan ayna lahadaan Soomaalida, uu xoojiyaa war-isgaarsiinta kala dhaxaysa Dowladda Soomaaliyeed oo uuna bixiyaa taageero habboon oo waafaqsan arrimaha horumarinta ee hortebinta u leh qaranka. Inta u socdo kala-guurka marxaladeysan, waa in Howlgalku uu xoojiyaa in aqoon iyo xirfado loo gudbiyo shaqaalaha deegaanka, la-ballaariyo waddooyinka lagu gacansiin karo dhaqaalaha deegaanka, oo laguna sii wanaajin karo maciishadaha dadka.

Isaga oo soo gunaanada kulanka, ayaa ergeygii ka socdey Soomaaliya uu sheegey in qaraarka uu muujinayo sida ay Golaha uga go’an tahay in uu dhaqangeliyo codsiga Dowladdiisa ay ku codsatey in UNSOM ay labada sano ee soo socda gudahooda u xuubsiibato kooxda Qaramada Midoobey ee dalka. Isaga oo amaanaya dadaalka shaqaalaha UNSOM ay muujiyeen tobankii sano ee la soo dhaafey, ayaa waxaa uu sii saadaalanayaa in iskaashi dhow ay yeelan doonaan kooxda kalaguurka iyo kooxda QM ee dalka, gaar ahaan ay ka yeelan doonaan hirgelinta mashaariicda horumarinta ee muddada dheer. Isaga oo carrabka ku adkeynaya muhiimadda ay leedahay mudnaansiinta qarameynta inta lagu guda jiro marxaladda ciidan dhimista, ayaa waxaa uu Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ku dhiirrigeliyey in uu dadaal joogto ah ku bixiyo wax-ka-soo-iibsiga dalka iyo qorashada shaqaale dalka u dhashey, gaar ahaan haween Soomaaliyeed, si ay gacan uga geysto karti-dhisidda iyo maalgelinta dhaqaalaha degaanka inta lagu guda jiro muddada kalaguurka.

“Go’aankii dhawaan ay ku dhawaaqeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu soo gabagabeeyay howlgalkii UNSOM, waa tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah oo calaamad u ah bisaylka iyo kalsoonida DFS ka gaartay ka maarmidda kaalmada dibadeed qaarkeed. Go’aankan ayaa ka dambeeyay markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsatay in howlgalkan uu dhammaado, taasi oo muujineysa kalsoonida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qabto in hay’adaha dalkeennu la wareegaan mas’uuliyadda dalkeena, sidaasi waxaa yiri:- Xil. Mahad Abdalla Awad Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka

“Tallaabadan cusub waa mid farxad iyo yididiilo leh, waxaana waajib nagu ah inaan taageerno horumarka, iyadoo la xoojinayo hay’adaha iyo nidaamka dowladnimo si aan u hubinno xasiloonida iyo horumarka dowladnimo. Waxaan u mahadcelinaynaa xubnaha Golaha Amaanka UNSC iyo dhammaan saaxiibbada caalamka oo qayb weyn ka qaatay go’aanka taariikhiga ah oo Soomaaliya ku qaadaneyso masuuliyaddeeda”.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo goor dhaw Furmay.

Muqdishu-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa goor dhow xarunta xalane ka furay madashada iskaashiga Soomaaliya iyo beesha…

GudahaWararka
December 7, 2020

Guddiga hirgelinta doorashada Puntland oo shaaciyay jadwalka doorashada 6-kursi

Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
January 29, 2022

Odoyaasha dhaqanka Hiiraan oo gurmad u fidiyay ciidanka Hirshabeelle

Odoyaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Baladweyn ayaa maanta deeq mucaawino ah oo loogu talagalay ciidamada gaarsiiya maamulka Degmada Moqokori…

Gudaha
May 23, 2025

10 katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

Muqdisho(SONNA):-Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 10 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta…

GudahaWararka
June 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023