Liverpool(SONNA)- Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ammaaney awooda naadiga Manchester United oo ay caawa ku balansan yihiin inay ciyaaraan kulan horyaalka Premier League ah.
Dhinaca kale Jürgen Klopp ayaa jareeyay in Manchester United ay u soo bixdo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Manchester United ayaa caawa marti ugu noqon doonta kooxda Liverpool garoonka Anfield, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tiran kulamada 23-aad ee horyaalka Premier League.
Macalin Ole Gunnar Solskjær iyo wiilahiisa Man Utd ayaa waxay doonayaan inay noqdaan kooxdii ugu horreysay ee guul ka gaarta Liverpool xilli ciyaareedkan, xilli Red Devils ay haatan kaga jirto dhanka miiska kala sareynta horyaalka Premier League booska Shanaad, waxayna 5 dhibcood u jiraan Chelsea oo afaraad ku jirta, waxaana laga war qabaa in kulankii lugta hore ay wada ciyaareen kooxaha United-ka iyo Reds uu ku soo dhamaaday bar-bardhac 1-1 ah.
Si kastaba ha noqoteen macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp ayaa ammaanay awooda ciyaareed ee kooxda Man Utd kahor ciyaarta waaca ka dhici doonto garoonka Anfield, wuxuuna yiri:
“Manchester United waxay heysataa koox kubadda cagta ee aad u wanaagsan, isla markaana karti iyo qibrad leh, waxa jirta awood badan ee wanaagsan oo garoonka dhexdiisa ah”.
“Waxaan qabaa inay u badan tahay inay u soo bixi doonaan tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan”.
“Marka, dabcan, way naga adkaan karaan, laakiin kaliya si fiican ayey u ciyaari karaan haddii aan u ogolaano inay ciyaaraan”.
“Haddii aan ku jirno xaaladeena ugu wanaagsan, wey ku adkaan doontaa xaalada dhamaan kooxaha naga soo horjeeda, waa garoonkeena, waa inaan qof walba ogeysiinaa taas”.