Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Dhaqanka > Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
DhaqankaMaqaalladaWaxbarashada

Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 2, 2025
11 Min Read
Share

Magacaygu waa Cabdilaahi Ismaaciil Cabdilaahi, waxaanan ka shaqeeyaa Jaamacadda Daraasaadka ee Afafka Dibadda ee Beijing ( BFSU) (Beijing Foreign Studies University) ee Shiinaha, halkaas oo aan ka dhigo af Soomaaliga, kana shaqeeyo cilmi-baarista ku saabsan Daraasaadka Goboleedka Wadamada Afrika iyo xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika.

Sidoo kale, waxaan ahay xubin ka tirsan Golaha Caalamiga ah ee Daraasaadka Shiinaha (World Sinology Council Experts), iyo xubin Golaha Caalamiga ah ee Falsafadda Konfushiyaanism (Confucianism International Association Board Member Candidate).

Kulliyadda Aasiya iyo Afrika ee jaamacaddan waxaa la aasaasay sanadkii 1961, iyadoo la raacayo tilmaanta Ra’iisul Wasaarihii hore ee Shiinaha Zhou Enlai, si loo xoojiyo xidhidhrka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Aasiya iyo Afrika.

Zhou Enlai waxa uu booqday Soomaaliya sanadihii 1960-meeyadii, waana arrin ay dad badan oo Soomaaliyeed xasuus gaar ah u leeyihiin.

Hadda, Kulliyadda Afrika ee Jaamacadda BFSU waxay furtay in ka badan 20 luqadood oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: af Sawaaxili, af Hawsa, af Zuulu, af Amxaariga, af Madaqaskaari, af Soomaali, af Yoruba, Afrikaans, af Tswana, af Ndebele, af Komoro, af Kiriyoole, af Shona, af Tigrinya, af Rundi, af Ruwanda, af Chewa, af Sesotho, af Sango iyo af Tamaazight.

Waa kulliyadda ugu luqado badan ee Afrikaanka ah ee wax ka dhigta gudaha dalka Shiinaha.

Kulliyaddu sidoo kale waxay leedahay waax cilmi-baaris oo ku takhasustay daraasaadka gobollada Afrika, waxayna daabacdaa joornaalka “Cilmi-baarista Luqadaha iyo Dhaqamada Afrika” oo ah daabacaad laba-luqadood (af Shiineys iyo af Ingiriis), kaas oo soo bandhiga natiijooyinka ugu dambeeyay ee cilmi-baarayaasha gudaha iyo dibadda ee ku saabsan luqadaha Afrika, suugaanta, taariikhda, dhaqanka, iyo bulshada.

Kulliyadda Afrika waxay sidoo kale sanad walba qabanqaabisaa “Shir Caalami ah ee Cilmi-baarista Luqadaha iyo Dhaqamada Afrika”, kaas oo ah madal ay si joogto ah ugu kulmaan cilmi-baarayaal Afrikaan iyo kuwo caalami ah si ay is dhaafsadaan aqoon iyo aragtiyo.

Intaa waxaa dheer, Kulliyadda Afrika ee Jaamacadda BFSU waxay heshiisyo iskaashi la saxiixatay in ka badan 20 jaamacadood oo ku kala yaalla dalal ay ka mid yihiin: Soomaaliya, Koonfur Afrika, Nayjeeriya, Itoobiya, Kenya, Tansaaniya, Zimbabwe, iyo Senegal.

Waxa kale oo ay xidhiidh iskaashi la leedahay jaamacado Yurub iyo Maraykan ah sida: Kulliyadda Daraasaadka Aasiya iyo Afrika ee Jaamacadda London (SOAS), Machadka Qaranka ee Luqadaha iyo Dhaqamada Bariga ee Faransiiska (INALCO), iyo Jaamacadda Leiden ee Netherlands.

Qaybta Afka Soomaaliga ee jaamacada BFSU waxaa si rasmi ah loo aasaasay 2013, waana meesha kaliya ee Shiinaha lugu dhigo af Soomaali si xirfad leh.

Laga soo bilaabo Maarso 2017-kii, af Soomaaliga waxaa lagu daray koorsada afafka saddexaad ee la doorto (selective courses). Anigu waxaan xilka baridda af Soomaaliga ah bilaabay Sebtembar 2020-kii.

Waxaan qoray buugga “Hordhac Ku Saabsan Barashada ku Hadalka Af Soomaaliga” (Somali spoken), waxaana dhawaan soo baxaya buugagga af Soomaal ah oo wax lugu Baro “Taariikhda, Dhaqanka iyo Bulshada Shiinaha” iyo “Buugga Koowaad ee Manhajka Guud ee Af Soomaaliga”.

Waxa kale oo aan hadda qorayaa buug kale oo la yidhaahdo “Af Soomaali Fudud oo La Adeegsado”. Intaa waxaa dheer, waxaan qoray maqaalal cilmiyeed iyo qoraallo aragtida bulshada ah.

Soomaaliya gudaheeda, dadka waxay aad ugu xiiseeyaan Shiinaha, isla markaana gudaha Shiinaha, Shiinayskuna aad bay ugu hamuun qabaan inay fahmaan Soomaaliya iyo af Soomaaliga.

Waxaan wareystay dhowr ka mid ah ardaydayda sanadkan si ay uga hadlaan dareenkooda ku aaddan Soomaaliya iyo barashada af Soomaaliga. waxayna si toos ah u muujiyeen dareenkooda oo ah:

Ardayga Ma Haoyang wuxuu yidhi: “Waan jeclahay Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxay leedahay taariikh dheer. Dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu isku daraa dhaqamada Afrika, Carab, iyo kuwa xeebaha Badweynta Hindiya. Muusikada, qoob-ka-ciyaarka, iyo gabayada dhaqameedku waa kuwo si gaar ah u taagan, waxayna ka tarjumayaan xigmadda nolosha reer guuraaga.

Sidoo kale, muuqaalka dabiiciga ah ee Soomaaliya waa mid aad u qurux badan. Soomaaliya waxay ku taallaa Geeska Afrika, waxayna leedahay xeeb aad u dheer, lamadagaanno iyo buuraley, sidoo kalena waa dal hodan ku ah kala duwanaanshaha noolaha waxa jira dhagaxaan xeebeed coral reef ah iyo duurjoog gudaha ku nool. Sababta aan u bilaabay barashada af Soomaaliga waxay ahayd inaan mustaqbalka tago oo indhahayga ku arko dalkaas quruxda badan”.

Ardayda Rao Yuqi waxay tidhi: “Waan jeclahay Soomaaliya, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed waa dad diirran oo martida jecel, daacad ah oo naxariis badan. Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay muuqaal dabiici ah oo qurux badan, xeebo qurxoon, lamadagaanno iyo dhaqan gaar ah.

Waxaan aaminsanahay in af Soomaaligu yahay luqad gaar ah, waxaana doortay inaan barto af Soomaaliga si aan u barto luqad ka duwan kuwa kale, isla markaana aan si qoto dheer ugu fahmo dhaqanka Soomaaliyeed”.

Ardayada Chen Jianan waxay tidhi: “Waan jeclahay Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxay leedahay soo jiidasho dhaqan oo gaar ah, dadka Soomaaliyeedna waa dad adkaysi badan oo rajo leh.

Soomaaliya iyo Shiinaha waxay xidhiidh diblomaasiyadeed yeesheen 1960-kii, waxayna leeyihiin saaxiibtinimo taariikhi ah iyo is-dhexgal ballaadhan. Waxaan rajaynayaa in xidhiidhka Soomaaliya iyo Shiinuhu uu si wanaagsan u sii kobco.

Af Soomaaligu wuxuu leeyahay hab dhawaaqeed iyo nidaam codsiyeed u gaar ah, wuxuuna ka kooban yahay dhawaaqyo gaar ah oo hodan ah isla markaana leh miisaan iyo laxan. Qaab-dhismeedka naxwaha af Soomaaliga wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah; taas oo muujinaysa hodantinimada iyo nidaamka adag ee af Soomaaliga.

Af Soomaaligu waa waddo muhiim ah oo lagu gudbiyo dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna ka tarjumayaa taariikhda, dhaqanka, qiyamka, iyo hab nololeedka dadka Soomaaliyeed. Barashada af Soomaaliga waxay ii suurtagelinaysaa inaan si qoto dheer u fahmo macnaha dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxay iga caawinaysaa inaan barto luqad kale oo shisheeye ah, balaadhinta aragtidayda, waxayna gacan ka geysanaysaa in aan si toos ah oo qoto dheer ula xidhiidhdi karo dadka Soomaaliyeed, taasoo horumarinaysa is-dhaafsiga iyo wada-shaqaynta dhaqamada labada dhinac, isla markaana kor u qaadaysa awooddayda waxbarasho iyo xirfadda isgaarsiinta dhaqamada kala duwan”.

Ardayada Ma Rong waxay tidhi: “Aad ayaan u jeclahay Soomaaliya, anigoo baranaya casharrada macalinka fasalka, waxaan ogaaday in Soomaaliya ay tahay dal marti-soor leh oo diiran. Aad ayaan ugu rajo weynahay mustaqbalka inaan fursad u helo inaan booqdo Soomaaliya.

Waxaan u arkaa barashada af Soomaaliga inay tahay mid fudud, laakiin af Soomaaligu wuxuu leeyahay kala duwanaansho ku saabsan jinsiga (lab iyo dhedig), taasina waxay igu tahay wax yar oo adag, laakiin macalinka ayaa si fiican noo fahmsiiyay.

Waxaan doortay inaan barto af Soomaaliga si aan u barto luqad cusub, isla markaana aan wax uga ogaado dhaqanka Soomaaliya, taasoo ka dhigi doonta nolosha jaamacadeed mid xiiso leh”.

Ardayada Li Fei waxay tidhi: “Waan jeclahay Soomaaliya, sababtoo ah tan iyo yaraantayda waxaan xiise weyn u qabay Afrika. Markaan bartay af Soomaaliga, waxaan ogaaday in dhaqanka Soomaaliyeed uu leeyahay astaamo gaar ah, taasoo iga dhigtay inaan aad u jeclaado dhulkaas.

Waxaan dareemayaa in af Soomaaligu si weyn uu uga soo jeedo dhaqanka Carabta, taasina waa waxa ka dhigaya mid gaar ah. Barashada af Soomaaliga waxaan rajaynayaa inaan si qoto dheer u fahmo dhaqamada Afrika qaar.”

Ardayga Shi Quanhang wuxuu yidhi: “Xiisahayga ku aaddan Soomaaliya iyo af Soomaaliga waxa uu ka bilowday markii aan bartay Carabiga, taasoo ah takhasuskayga, maadaama aan aad u xiiseeyo dalalka Islaamka iyo Carabta.

Taas awgeed, waxaan dareemay xidhiidh dhow oo aan la leeyahay Soomaaliya. Gaar ahaan markaan bartay af Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida, waxaan la kulmay ereyo iyo dhaqamo aad isugu dhow takhasuskayga, ama xitaa waxyaabo ku saabsan Qur’aanka, taasoo iga dhigtay inaan xiisahaas sii kordhiyo.

Aniga ahaan, af Soomaaligu waa luqad soo martay waayo-aragnimooyin badan isla markaana si ballaadhan u qaadatay erayo iyo saamayn. Afka waxaa lagu qoray xarfo Carabi ah markii hore, kadibna waxaa loo beddelay xarfo Laatiin ah xilligii gumeysiga.

Intii lagu guda jiray gumeysiga iyo horumarka, af Soomaaligu wuxuu la qaatay erayo ka yimid dalal badan oo ay ka mid yihiin Carabi, Ingiriis, Talyaaniga, taasoo ka dhigtay luqad leh taariikh qoto dheer iyo xusuus casri ah oo gaar ah”.

Ardaydani waxay si daacad ah uga jawaabeen wareysigeyga, waxaana wareysiyadaasi ka muuqata in waxbarashada af Soomaaliga ee Shiinaha gudihiisa ay si xawli ah u korayso.

Waxaan diyaar u ahay inaan qayb ka qaato horumarinta af Soomaaliga gudaha Shiinaha anigoo adeegsanaya wixii aan bartay. Sidoo kale, waxaan si qalbi furan ugu casuumayaa aqoonyahannada Soomaaliyeed inay yimaadaan Shiinaha, gaar ahaan jaamacada BFSU, si ay u sameeyaan booqasho, iskaashi iyo wadashaqeyn.

Waxaan sidoo kale rajeynayaa in laga wada shaqeeyo ama la isku casuumo shirarka iyo doodaha ku saabsan af Soomaaliga.

W/Q Dr. Abdillahi Ismail Abdillahi, ( Lecture at School of African Studies, Beijing Foreign Studies University).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay dhammaadkii Todobaadkii la soo dhaafay shir ay ka soo qaybgaleen Madaxda Wadamada Deriska la ah…

MaqaalladaWararka
February 4, 2023

Quanzhou (Shiinaha) Magaalo facweyn oo Taariikheed (SAWIRO)

Shiinaha waa dal weyn oo dhaca Bariga Qaaradda Aasiya, tirade Dadka ku nool waxa uu gaaraya 1Bilyan iyo 4boqol oo…

GudahaMaqaallada
October 25, 2023

Dowladda oo si weyn ula socota dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta (WARBIXIN)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo sedddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah…

GudahaMaqaallada
May 27, 2024

Waa maxay farqiga u dhexeeyo Gaalada iyo khawaarijta Al shabaab? (WARBIXIN)

Shirweynihii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho intee u dhaxeysay 23-26-kii Janaayo ee sanadkan ayaa waxaa laga soo saaray…

GudahaMaqaallada
July 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023