Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu hawlgallo dagaal oo waaweyn uu ku qaaday Iiraan ,iyadoo Israa’iil ay sidoo kale sheegtay inay weerarro gantaallo ah la beegsatay dalkaas.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay bilaabeen mowjaddii ugu horreeyay oo gantaallo aargoosi ah ku tuuray gudaha Israel iyo dalal kamid ah gobolka sida Baxreyn ,Qadar ,Jordan ,Kuwai ,Imaaraadka Carabtat iyo Sacuudi carabiya.
Ciidanka Mareykanka ee jooga gobolka barigga Dhexe ayaa la galiyay heegan,halka shaqaalaha Safaaradda ee gobolka la geeyay goobo ammaan ah, iyadoo lagula taliyay in dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ay raadsadaan meelo gabbaad ah ilaa amar dambe.
Wakaaladaha wararka ayaa ku waramay in duqeyn lala beegsaday caasimadda Iran,halka sidoo kale duqeymo lagu fuliyay Woqooyiga Israel.
Weeraradaan ayaa imaanaya xilli ay socdeen wadahadal u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iran,inkasto wadaxaajoodyadaasi ay barbar socdeen hanjabaado ku aadan in la weerari doono Dalka Iran
Dalka Sacuudiga,Qadar iyo kuwo kale ayaa cambaareeyay weerarada gantaalada ee Iran ku qaaday dalalka gobolka