Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka
    February 14, 2026
    Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga
    February 14, 2026
    Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga
    February 13, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 13, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis ababa kaga qayb gelaya shirka madaxda Afrika
    February 13, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
CaalamkaGudahaWararka

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

By Mohamed Abdirahman Sheikh
Last updated: January 13, 2026
2 Min Read
Share

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay u hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay walaac ballaaran oo ka taagan dunida Islaamka iyo tan caalamka.

Mowqifkan ayaa lagu muujiyay shirkii degdegga ahaa ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo dhawaan lagu qabtay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carbiya, halkaas oo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Indonesia, Anis Matta, uu sheegay in maamulka Waqooyi Galbeed Somaliland uu yahay qayb aan ka go’i karin Soomaaliya, isla markaana Indonesia ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Indonesia ayaa si rasmi ah u diidday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, kana hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, waxay ku baaqday in arrinta Somaliland lagu xalliyo hannaan gudaha Soomaaliya ah, iyada oo aan faragelin shisheeye jirin.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Indonesia, Mudane Sugyono, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaran ee Soomaaliya.

Ka hor shirka OIC, Indonesia waxay ku biirtay bayaan wadajir ah oo ay hormuud u ahayd Masar, isla markaana ay taageereen 22 dal, OIC iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kaas oo si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna adkeeyay ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Shirka OIC waxaa ka qayb galay 39 dal oo xubno ka ah ururka, waxaana gunaanadkii lagu ansixiyay laba qaraar, midkoodna si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isla markaana adkeeyay go’aanka OIC ee ilaalinta midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad…

February 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

waxaa sii kordhaya khasaaraha Maleeshiyaadka Khawaarijta lagu gaar siiyey Awdheegle

Muqdisho(SONNA):-Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa khasaaraha Maleeshiyaadka Khawaarijta ku gaaray weerarkii saaka ka dhacay degmada Awdheegle ee Gobolka…

GudahaWararka
September 10, 2023

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta ciidanka badda

Ankara-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS, Jeneraal Cabduwahaab Cumar oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan muhiim ah…

GudahaWararka
July 24, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF

Washington (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington…

GudahaWararka
October 14, 2025

Haweeneyda la dhalatay Hoggaamiayha Kuuriyada Waqooyi oo kamid noqotay dadka dejiya siyaasadda Waddankaas

Gabadha la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa olole cusub oo ka dhan…

Wararka
June 10, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023