Muqdisho.(SONNA):- Dowlad iyo shacabka markan waxaa loo diyaargarow bayaa bilaabashada wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, kaas oo lagu baabi’inayo jiritaankood.
Howlgalkan oo ka xooggan midkii hore, ayaa lagu wajihi doonaa deegaannada ay ku dhuumaleysanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo hadda firxadkoodu gaaray deegaanno fog.
Midkii ka horeeyay howlgalkan, argagixisada waxaa looga xoreeyay deegaanno badan oo dadka ku nool ay ku hayeen dhibaato xooggan,iyadoo gacanta ugu weyn ay ka geysteen shacabkii sugayay in laga xoreeyo. Nidaamkii ay ku hoos jireen oo ahaa mid aan rabin dowladnimo iyo kala dambeyn.
Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay qaabka uu noqon doono wejiga labaad ee dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta.
“ Waxaan u fadhinaa maanta inaan idinla wadaagno, inuu bilaabanaayo howlgalka xoreynta dalka wejigiiisa labaad oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliyeed, waxaana garab nagu siin doona wadamada deriska ah,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Khawaarijtu. Dalka waxay ku soo hoggaamiyeen ajaaniib u ooman dhiigga shacabkeenna.
“ Mar haddii Shabaabkiiba shirko lagula yahay oo qatartooda in ay inta weerar ka abaabulaan dowladaha deriska tegeyaan oo canaasiir mujrimiin ah oo dowladahaas ka yimid, ay ku dhex jiraan waxay ila tahay in ay xaq tahay in ciidamada dowladdahaas in ay xoog ku baxshaan oo iyaguna qeyb ka ciyaaraan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Madaxweynuhu muxuu ka aaminsan yahay argagixisada dal iyo dad midna aan u tureyn?.
“ Cadowga ma tegin waa joogaa, 40-km ma ahinee, meel Soomaaliya ka mid ah intuu joogo waa joogaan, waa geedkaas cali-garoobka ah oo haddii kor laga gooyo oo fiix yar hadduu ku da’o, beri meeshiisa ka soo baxaayo oo soo noqonaayo waa, anaga dowladda Soomaaliya qeybaheeda kala duwan, Dowladda dhexe,Dowlad gobolleedyada, xoog, xeelad iyo caqli waxaan leenahay waxaan isugu geyneynaa sidii loo bixi lahaa cadowgaas,”.
Mas’uuliyiintii iyo shacabkii hoggaaminayay howlgalka wejigiisii koowaad, waxay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada ciribtirka Khawaarijta.
“ Dagaal hadduu bilowdo waa kala adkaansho, meel dhexe oo la istaago yaa karanaya, Shabaab waa dagaallannay waa inaan kala adkaanaa, rejo dambe lagama qabo inaan meel dhexe istaagno, Shabaab waana ka adkaanay waana dhammeystireynaa in lagu dhiiradaa rabaa,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo qiray in ay Khawaarijtu jabeen.
Khawaarijtu haddii aan dib idin xusuusino, dagaalkii tooska ahaa waxaa ugu darnaa midka dhaqaalaha oo dowladda meel adag ka istaagtay.