Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horudhac: Dekedda vs Horseed… (Labada kooxood oo raadinaya guushoodii ugu horreysay ee Tartanka General Daa’uud & Xogta kulanka)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Horudhac: Dekedda vs Horseed… (Labada kooxood oo raadinaya guushoodii ugu horreysay ee Tartanka General Daa’uud & Xogta kulanka)
Ciyaaraha

Horudhac: Dekedda vs Horseed… (Labada kooxood oo raadinaya guushoodii ugu horreysay ee Tartanka General Daa’uud & Xogta kulanka)

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 2, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Kooxaha Dekedda FC iyo Horseed ayaa galabta ku ballansan Garoonka Eng Yariisoow Stadium (Ex Koonis) ciyaar ka tirsan koobka General Daa’uud ee fasal ciyaareedkan.

Kulankan ayaa ah mid ah mid aad u xiiso badan, maadaama ay labadan kooxood ay yihiin kuwo ku xafiiltama kubadda cagta si lamid ah sanadkii la soo dhaafay horyaalka ayey isku haysteen, inkastoo ay kooxda Dekedda ku guuleysatay horyaalka.

Kooxda Horseed sanadkii la soo dhaafay ayey iska xaadirisay final-ka koobka General Daa’uud xilli laga faro-marooqsaday, waxaana ka qaaday kooxda Muqdisho City Club.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Koobka General Daa’uud

Kooxaha: Dekedda FC vs Horseed FC

Garoonka: Eng Yariisoow Stadium

Saacadda ciyaarta: 3:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Qiimaha kulanka: Lacag la’aan

Jawiga Garoonka: 28°

XOGTA KULANKA:

Kulankii ugu dambeeyay ay labadan kooxood Horseed iyo Dekedda isku arkan tartanka xiisaha badan ee koobka general Daa’uud waxaa soo adkaatay naadiga cawo iyo maalin Horseed xilli rigooreyaal 5-4 ay ku adkaatay, ciyaar markaa ku dhammaatay barbaro 1-1 waqtiga caadiga ahaa.

Dekedda ayaa ku taameysa inay ka aar-gudato kooxda Horseed iyadoo wali xusuusata kulankii ay gacmaha Horseed ugu baxeen tartanka General Daa’uud sanad ciyaareedkii la soo dhaafay.

Wiilasha Yuu Cali ee Dekedda kulankii ugu dambeyay waxay khasaaro 1-0 kala soo kulameen kooxda Muqdisho City Club, waxayna shiishka saarayaan inay helan saddexdii dhibcood ee ugu horreysay tartanka General Daa’uud sanadkan.

Sidoo kale Dekedda haddii ay guuldarro kala kulanto kooxda Horseed waxaa dhammaaneysa rajada ay ka la haayeen u soo bixitaanka wareegga xiga ee General Daa’uud, waana inay awooddooda iskugu geeyaan si ay guul ugu heli lahaayeen Horseed.

Naadiga Horseed kulankii ugu dambeeyay waxay barbaro goolal la’aan la soo gashay kooxda Elman, taas oo ka dhigan inay leedhahay hal dhibcood oo qura.

Afartii  kulan ee ugu dambeeyay ay labadan kooxood isku arkan horyaalka waxaa mid kamid ah badisay naadiga Horseed, halka saddexda kulan ee kale ay ku kala baxeen barbaro.

Tababare Yuu Cali ayaa ku taamaya inuu kula guuleysto kooxda Dekedda Koobka General Daa’uud markii ugu horeysay, halka Tababare Cabdijoon  uu markii ugu dambeysay gacanta u soo galiyay Kooxda Elman.

Dekedda kulan ciyaareedka galabta waxaa kaarka casaanka ah ugu maqnaanaya xiddigaha kala ah; Cabdiwali Aawali iyo Zakariye.

WAJIYADA GALABTA ISKA HOR IMAAN DOONA:-

Xiddigaha kala ah Xasan Afgooye, Cabdulaahi Cali Bile iyo hoggaamiye Cabdi Joon ayaa galabta ka hor imaan doonan kooxdoodii hore ee Dekedda, iyagoo iminka difaacaya maaliyadda Horseed.

Dhanka Horseed waxaa galabta ka soo hor jeesan doona xiddigaheedii hore sida Cabdicasiis Catoosh iyo Cabaas Aamiin Maxamed, kuwaasoo horay ugu soo ciyaaray kooxda Horseed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Roy Keane oo weerar culus ku qaaday Anthony Martial kaddib guuldarradii xalay ee Liverpool.

Manchester(SONNA)-Kabtankii hore kooxda kubadda cagta Manchester United ee Roy Keane ayaa weerar culus ku qaaday weeraryahanka reer France ee Anthony…

Ciyaaraha
January 21, 2020

Shaxda rasmiga ah kulanka kooxaha Chelsea Iyo Man United ee tartanka Carabao Cup oo la shaaciyey

London(SONNA)-Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Chelsea Iyo Man United kulanka goor…

CaalamkaCiyaaraha
November 1, 2019

Muqdisho City Club oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Elman kulan ka tirsanaaa koobka General Daa’uud

Muqdisho(SONNA)-Kooxda Muqdisho City Club ayaa guul 2-1 ah ka gaartay naadiga Elman, kulan ka tirsanaaa koobka xiisaha badan ee General…

Ciyaaraha
November 2, 2019

Macalinka kooxda Elman oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kaga qeyb galaya kulanka galabta ee MCC.

Muqdisho(SONNA)- Kooxaha Mogdisho City Club iyo Elman Fc ayaa ku balansan garoonka Eng Yariisow, ciyaar qeyb ka ah tartanka horyaalka…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023