Muqdisho(SONNA):-Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen khawaarijta waxa ay suurta galisay in khawaarijta laga saaro degaanno iyo tuulooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka,waxan xiligaan khawaarijtu mareysaa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,iyadoo geesiyasha xoogga dalka ay uga dabagalayaan meel walba oo ay isku dayaan in gabaad ka dhigtaan khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab.
Warar ay heshay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyada khawaarijta ay ku kala tageen shir ay ku yesheen degmada Ceelbuur kadib markii khilaaf xooggan uu soo kala dhax gale, kulama qarsoodi ah oo ay ku yesheen khawaarijta degmada Ceelbuur oo in mudda ah ay gacanta ku hayeen ayaa uga hadaleen in ay difaacan karaan degmadaasi waxana horjoogayaasha qaar ay soo jeediyeen in aysan la dagaalami karin cududa ciidan ee ku soo wajahan sidaa darteedna ay iyaga oo dagaalamin ay isaga baxaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Horjooge Saciid Axmed Gaagaale oo kamid ah horjoogayaasha sameynta ku dhex leh khawaarijta kana soo jeedo Ceelbuur ayaa sheegay in aysan xiligaan aysan ku dagaalami karin degmada Ceelbuur islamarkaana ay la yimadaan xeelad kale horjooge ina dhaqane oo isna kamid ah kooxda aadka ugu dhow Xuseen cali Fiidoow ayaa arintaa ka biya diiday isaga oo sheegay in aysan sax ahay in si fudud ay uga baxaan degmadaasi oo mudda kabadan 10-sana ay gacanta ku hayeen.
Horjooge Daahir Calasow oo isna kamida ah horjoogayaasha aan ka soo jeedin degmada Ceelbuur oo isna shirka ka qebgalay ayaa ku fakir noqday horjoogayaasha qaba in aan lagu dagaalami karin degmada Ceelbuur marka la eego awooda ciidan ee degaankaa ku soo wajahan.
Horjooge Daahir Calasow oo kamid ah horjogayasha sameynta ku leh khawaarijta ayaa degmada Ceelbuur u tagay in ku dhiiri galiyo khawaarijta in sii difaacan karaan Ceelbuur oo ay ku dagaalami karaan,balsa marka uu xaalada qiimeeyay ayu badalay go’aankiisii ahaa in khawaarijtu ku dagaalanto degaanka taa oo keentay in uu khilaafka qeb ka noqdo
Marka laga tago hadalada khiyaaliga ee khawaarijta waxaa degmada Ceelbuur ku wajahan geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka kuwaa oo hada kaabiga ku hayo degamada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,si bulshada degaankaa looga dulqaado kooxda khawaarijta oo mudda dhebaata ku heysay shacabka ku nool degmadaasi.
Muddo dhowr iyo toban sano ah, qeybo ka mid ah dalka waxaa ku habsaday argagixiso sidii Ayaxa beer galay bulshada Soomaaliyeed ka dhigay kuwo ay dileen, kuwo hantidooda ay boobeen iyo kuwo ay badeen cabsi iyo argagax,balse iminka shacabka oo Dowladda kaashanaya waxay go’aansadeen in ay dalkooda ka xoreystaan Khawaarijta si uga nastaan dhibkooda.