Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya 
    July 1, 2025
    Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
    July 1, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
    Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Hindise cusub oo dhowr mashariic horumarineed loogu dhisayo Caasimadda Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Hindise cusub oo dhowr mashariic horumarineed loogu dhisayo Caasimadda Muqdisho
Maqaallada

Hindise cusub oo dhowr mashariic horumarineed loogu dhisayo Caasimadda Muqdisho

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 21, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Hindisaha Horumarinta Muqdishada Cusub (NMDC) ayaa ah fekrad cusub oo ay wada fulinaya dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed taas oo diiradda lagu saarayo sidii loogu beddeli lahaa Muqdisho caasimad xuddun u ah gaadiidka iyo ganacsiga Gobolka looguna gaarsiin lahaa Soomaaliya horumar dhaqaale

NMDC waa nidaam gaar ah oo garwadeyn ka noqon doona, wejiga kowaad, dhismaha mashariic waaweyn oo kala duwan, oo ay kamid yihiin Dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho, Dekedda Muqdisho ee cusub, iyo aag-dhaqaale oo gaar ah (Special Economic Zone). Nidaamkan ayaa waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029) ahna sidoo kale mid si istiratiiji ah loo naqshadeeyay si loogu soo jiito maalgashiga maxalliga ah iyo kan caalamiga ah, loogu abuuro shaqooyin cusub isla markaana loo xoojiyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Qorshahani uu yahay bilow cusub oo muujinaya aragtida fog ee dadka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda, kuwaasi oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran.

“Tan iyo 2012, Wadciga maalgashi ee dalka waa isa-soo tarayay. Halka ay caqabaduhu ahayeen kuwo jiro, adkeysiga iyo go’aanka adage ee ummadda Soomaaliyeed ayaa horay inoo waday. Runtu waxa ay tahay in maalgashiga, gaar ahaan kan dalalka ka soo kabanaya dagaallada sokeeye, ay u baahanyihiin geesinimo, hal-abuur iyo sidoo kale go’aan wadareed lagu wajaho mustaqbalka. Sida horayba loo yiri, waxaa jira oo kaliya hal khatar oo ay tahay in aad ka baaqsato wax kasta haba kugu qaadate, waana khatarta ah in aada waxba qabanin” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu daahfurayay hindisahan.

Soomaaliya ayaa ku rajo weyn in ay ganacsatada iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadan doonan maalgelinta mashariicdan horumarineed. Qorshaha waxaa ka mid ah in ay dadweynuhu si toos ah uga qeyb qaataan maalgashiga. Nidaamkan ayaa u saamaxaya in is maalgashi isku dhafan sameystaan dowladda, dadweynaha, maalgashatada iyo hay’adaha maaliyadeed ee maalgashiga doonaya.

Wejiga hore ee Dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ayaa lagu qiyaasay in ay ku bixi doonto ku dhowaad hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah maadama ay dowladdu bixineyso dhulka iyo fududeynta ruqsadaha kale ee mashariicdani u baahanyihiin.

“ Waxa aan raba in aan ku tir-tirsiiyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay sare u qaadaan dedaalkooda kana baxaan maalgashiga ay wada yaqaanan. Ganacsigu waa in uusan qeexin oo qura faa’iidada, balse waa in sidoo kale uu qeexa saameynta uu bulshada u leeyahay, mana jiro qiimo ka badan saameyn togan. Aan wada maalgashanno kaabeyaasheenna dhaqaale kana wada faa’iidno manafiicda joogtada ah ee ka dhalaneysa.” Ayu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Soomaaliya ayaa dhagax-dhigtay dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ku dhowaad 50 sano ka hor balse aaney u suurto gelin sababo la xiriira duruufo dhaqaale oo jiray markaa, dagaallo sokeeye iyo muddo dheer oo dowlado kumeel-gaar ahi dalka ka jireen. Nidaamkan cusub ee maalgashiga hal-abuurka leh ayaa la filaya in uu ku guuleysto wejigiisa kowaad dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho iyo mashariicda kale ee kaabeyaasha dhaqaalaha.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya 

Dar es Salaam (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

“Aabahay waxaa dilay Al-Shabaab, waxaana i korineysa Dowladda” (Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Waa arrin xanuun badan in aad weyso adigoo sabi ah qeyb kamid ah Waalidkaa ka oo qeyb ka qaadan lahaa…

MaqaalladaWararka
January 11, 2023

Muhiimadda Gacanka Cadmeed (WARBIXIN)

Muhiimadda Gacanka Cadan muxuu yahay? Gacanka Cadan waxaa wadaaga seddex dal, jabuuti dhanka Bari, Yemen dhanka waqooyi iyo Soomaaliya dhanka…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 21, 2024

Xog muhiim ah oo ay soo saartay UNICEF

Caalamka waxaa si weyn wel-wel ugu haya Corona Virus oo sababa cudurka Covic 19, si aad ah ayuuna ku sii…

MaqaalladaWararkaWargayska
March 16, 2020

Wasiir Cadaala:”Waa ka xumahay in Dad Masuuliyiin ah ay Macaash siyaasadeed ka raadiyaan Khawaarijta” (WARBIXIN)

Waxaa wali socda hadal heynta ah Is-af garad ku sheegii ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, taasi ayaana keentay inay…

GudahaMaqaallada
July 16, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023