Muqdsho-SONNA-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gurmad biyo-dhaamin ah gaarsiisay deegaannada Daaniyaa iyo Majiido oo hoos taga degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Gurmadkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu yareynayo saameynta abaarta ba’an ee ku habsatay bulshada ku nool deegaannadaas, iyadoo baahida biyaha ay noqotay mid aad u daran.
Mas’uuliyiinta Hay’adda SoDMA ayaa sheegay in howlaha gurmadka ay sii socon doonaan, ayna gaari doonaan deegaanno kale oo ay abaartu si xooggan u saameysay, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda si weyn u soo dhoweeyay gurmadkan, iyagoo muujiyay baahida joogtada ah ee ay u qabaan biyo iyo adeegyo kale oo aasaasi ah.
