Muqdisho (SONNA): Hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta shixnado iskugu jira Teendhooyin, Marakaneecoyin iyo Daawooyin waxa ay u dirtay degaanka Buula Xaaji iyo tuuloyinka hoostaga ee gobolka Jubbada hoose oo dhawaan laga xoreeyey argagixisada ee Khawaarijta.
Degaanadaan waxaa dib ugu soo labaanaya tan iyo markii la xoreeyey qoysas ay barakiciyeen Argagixisada iyo kuwa hore sameen uga soo gaartay dadaadkii ElNiรฑo, waxaana loogu talagalay in dadkaan dib u dajin loogu smaeeyo.
Sidoo kale, gargaarkaan waxaa ka mid ah Daawo si gaar ah loogu talagalay in la gaarsiyo goobaha cafimaadka degaanka Buula Xaaji oo shacabka ku nool muddo badan aysan helin adeegyada muhiimka u ahaa nolasha.