Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 20, 2026
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA Qeybti 5aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA Qeybti 5aad
Maqaallada

HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA Qeybti 5aad

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 6, 2019
7 Min Read
Share

HAB-QORAALKA
IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA

OLOLAHA HORUMARINTA REER MIYIGA
• Labaatan iyo labo aamustiyo, shaqal irmaaneeya
• Amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge
• isku dare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah
• Ebyan iyo haddaan magac u yaal, ku arkay joornaalka
• Mar haddii afkeygii la qoray, Aabe iyo Hooyo
• Mar hadaan amaahsigii ka baxay, lagu ogoontoobay
• Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye
• Amiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene
• Afafka qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibay
• Anaa macallimoo raba dad loo furo iskuullaade.
—————————- Abwaan: Cabdulle Raage Taraawiil

Ol Olaha Horumarinta Reer Miyiga (Somali Rural Literacy Campaign) wuxuu ahaa barnaamij qaran oo caalamka uu la fajay ummada Soomaaliyeedna tusay kalsoonida ah in ay bulsho wax qabsan karto. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ah, “Rag tashaday cir tararay wey toli karaan taako labadeede”, oo macnuhu yahay mar haddii talo la helo wax aan la soo koobi karin ayuu aadmigu qaban karaa. “Rag” waxaa loola jeedo dad oo dhan, rag iyo dumar ayaana ku jira.

HORUDHAC
Sanad guuradii seddexaad ee kacaanka ayaa bishii Oktoobar 21 sanadkii 1972 waxay dawladdu sii sheegtay in la qori doonno farta afka Soomaaliga laga billaabo sanadka soo socda ee noqon doonna 1973. Waxayna sanadkii 1973-dii bishiisi koobaad dawladdu ku dhawaaqday in la billaabo hirgalinta farta rasmiga ah ee Soomaaliga.
OL-OLIHII FAR-SOOMAALIGA “Aug,1974-Mar.1975” oo markii hore caasimada Muqdisho ama Xamar ka bilowday iyada oo shaqalaha Dawladda lagu amray inay 3 bilood ku bartaan qorista iyo akhrinta ka dib markii farta la qoray 1972dii. Mudo kordhis ayaa lagu sameeyay amarkii hore oo saddex bilood oo dheeraad ah ayaa shaqaalaha loogu daray si aysan shaqadood u lumin.
Taariikhda wanaagsan ee wadanka Soomaaliya iyo waxqabadkii dowladdihii wadanka ayaa waxaa ka mid ah qoristii afka hooyo, Af-Soomaali iyo ololihii xigay oo dhowr sanadood socday. Macalimiin 28,000 gaaraya, muruq la biirshay iyo murti ayaa lagu fuliyay O-Olaha Horumarinta Reer Miyiga.

WAJIYADA HIR-GALINTA FARTA-SOOMAALIGA
1. Seddex waji oo karti iyo maamul wanaag ka muuqdo ayaa loo billaabay hirgalinta farta Soomaaliga.
Markii koobaad, waxaa la amray in shaqaalaha dawladda sare ay muddo seddex bilood ah ku bartaan qorista iyo akhrinta Far-Soomaaliga, inkastoo haddana seddex bilood oo kale loogu daray si ay qummaati ugu bartaan.

2. Markii labaad, waxaa la amray in far barashada Soomaaliga laga hir-galiyo iskuulaadka magaalooyinka waawayn iyo dagmooyinka. ololahan wuxuu socday, hal sano waana laga guul gaaray.
3. Markii Seddexaadna, waxaa loo jeedsaday ololihii reer miyiga iyo ka hirgalintii farta. waa ololihii ugu dhibka iyo kharashka badnaa, uguna muddada dheeraa intii far Soomaaliga la hirgalinayay. Waxaa lagu guulaystay in tuula kasta iyo reer meel ku jira oo kastaba macallin la gaarsiiyo.
Sidaas maamul wanaagga iyo maskaxdu ku dheehan tahay ayaa waddanka dhan seddexaas olole loogu wada baahiyay qorista iyo akhrinta farta Soomaaliga.
Ololaha hirgalinta Far Soomaaliga waxaa ku baxday Maaliyad dhaqaale oo aad u culus, waxayna dawladdu markii ay ka faraxalatay dhammaystirkii baahinta ololeyaasha baris barashada farta, soo saartay, tirakoobyada dadka la gaadhsiiyay habka geeddi socodkii baris-barashada ee muddada socotay. Qoraal ahaan waxay dawladdu sheegtay inay ka faa’iidaysteen dad tiradoodu tahay 1,257,779 oo shaqsi. Ololahan oo halku dhiggiisu ahaa “Bar ama Baro”.

Barmaamijkan horumarinta hirgalinta Far Soomaaliga ee socday intii u dhaxaysay 1972-1975-tii waxaa ka qayb qaatay shaqaalaha dawladda dhammaantood, saraakiisha ciidammada qalabka sida iyo ardayda heerkasta dadkaas oo wadartoodu ahayd 28,000 oo qof. Markaas ayay boqolkiiba tirada dadka waxna qora waxna akhriya gaareen 55%.
Hawlahaas iyo dhaqan galintooda, iyo habsamida maamul wanaagga markuu caalamku arkay ayay dadka Soomaaliyeed magac iyo maamuus dunidoo dhan ah ka heleen, luuqadda Af-Soomaaliguna waxaa loo aqoonsaday inay tahay luuqadda Seddexaad ee Qaaradda Afrika, Carabiga iyo Howsaha oo kaalinta koobaad iyo midda labaad kala ahaa iyaguna illaa haatanna waa sidii.
KAALINTI RAADIYO MUQDISHO, RAADIYO HARGAYSA IYO WAKAALADAHA QARANKA
Laga bilaabo Oktoobar 21, 1972 ilaa barnaamijka ol-olaha waxbarashada oo xaflad lagu soo af-jaray, barnaamijyo aan kala go’ laheyn ayey Dawladda dalku ku soo bandhigtay laamaha warfaafinta wadanka.
Wasaaradihii ku howlanaa fulinta ololaha waxbarashada waxay wadanka oo dhan gaarsiiyeen qoraalo, barnaamijyo ka baxayay raadiyaha iyo aalado kale. Waxaa barnaamijka hor-kacaysay Wasaarada Hanuuninta Dadwaynta oo ay wakaalado badan hoos iman jireen sida:

 Wakaalada Filimada
 Tiyaatarka Qaranka
 Radiyow Muqdisho
 Radiyow Hargeysa iyo
 Wakaalada Madbacada Qaranka

ARAGTIDA ADUUNKA
Aqoonsi caalami ah ayay heshay bulshada Soomaaliyeed iyo amaan howl badnaanta Dawladda. Af Soomaaliga dhanka horumarka luqadeed, wuxuu noqday afka saddexaad ee Qaarada Afrika. Luqadaha Af-Carabiga iyo Af-Howsa ayaa kaalinta 1aad iyo 2aad ah.
Arrimahan oo dhan waxay dhaceen toban sano iyo bar ka dib markii gumeysigii Afrika soo af-jarmay inta badan wadamada qaaraduna ay xoriyad heleen haba u jireen xoriyadahaas heerar kala duwan.
Maxdwaynaha Tansaaniya Nayeeri mar uu la hadlayay bulshada wadankiisa wuxuu yiri, “Anaga waxaan hadal hayno Soomaalida ficil ahaan ayay u qabtaan.” Wuxuu ula jeeday qoristii afka iyo ololahii ka dambeeyay ee lagu baahiyay farta magaalo, degmo ilaa heer tuulo.

G
unnaanad kadib 46-sano, bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku caana maashay guushii lasoo hooyay waqtigaas. Waxa ayna afka iyo huurkaba uga duceysaa halgamayaashii guushaas inoo horseeday, si hagar ka fogna u hirgaliyay himiladii ummadooda iyo dhasha ummadaan dhaxli doonta. Waxaana dhab u rumoobay tuducii xiligaas uu ku guul geerarayay Taraawiil ee aheyd “Amiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene”. Abwaanku waxa uu si qalbi furnaan ugu ammaanay raggaasi inay naftood hurayaal u dhigmaan, mahadcelintoodana aan maarna la inkiri Karin.Waxa ay ka tageen dhaxal ummadeed “adoo dhaxal reebi kara ha noqon dhinta aan la tabin”.

W/D: Daljir C. Halgame:
EMAIL: omardaljir@gmail.com

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA...- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka,…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wax ka Ogoow Diyaaradda Bayraktar Akinci

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan…

GudahaMaqaallada
April 5, 2025

Maxay ka dhigantahay billadsharaf heerka qaran ah ee la guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur

Afka mirifrirkiisiyo Buuni weeye Mansuur Mahwi weeye aan gurin Mufti weeye gaammurey Muqni weeye kaafiya Muguc weeye shaafi ah Mad-hab…

Maqaallada
December 16, 2024

Waa maxay farqiga u dhexeeyo Gaalada iyo khawaarijta Al shabaab? (WARBIXIN)

Shirweynihii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho intee u dhaxeysay 23-26-kii Janaayo ee sanadkan ayaa waxaa laga soo saaray…

GudahaMaqaallada
July 1, 2023

Mudane Ilaali Sirta Qaranka

Adiga oon fududaanin ilaali sirta Qaranka oo ha dhaawicin hannaanka geeddi socodka siyaasadeed ee Xukuumadda, sidaa daraadered,markasta oo aad tagto…

MaqaalladaWararka
February 15, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023