Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan xasaasi ah xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay fulinta howlgalkii maleeshiyaadka Khawaariijta looga sifeeyey wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, oo ay wehliyaan saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka iyo sidoo kale saraakiisha Ciidanka Deegaanka.
Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xaaladaha amni ee magaalada Baydhabo oo ay shalay soo gaareen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidamada Deegaanka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada amni ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku hareereysan.
Saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixin ka siiyey howlgalkii guuleystay ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay Khawaariijta kaga sifeeyeen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa saraakiisha iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan uga mahadceliyey naf-hurnimadooda ku aadan difaaca sharafka qaranimada Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee XFS, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata, iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika Danjire Ilyees Cali Xasan.