Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxwaynaha Bangaladesh oo aqoonsiga danjire ka guddoomay safiirka Soomaaliya
    November 26, 2025
    Golaha Shacabka oo yeeshay kalfadhigoodii 15-aad
    November 26, 2025
    Guddoomiye Mungaab oo ka qayb galay Shirka Ururka Magaalooyinka Carabta
    November 26, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo Axmed Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda
    November 26, 2025
    Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad
    November 26, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadahaย (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Faarax Sh. Cabdulqaadir”sanadka 2030-ka dadka wax barta ayaa gaaraya ilaa 8 Malyan” wareysi.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Faarax Sh. Cabdulqaadir”sanadka 2030-ka dadka wax barta ayaa gaaraya ilaa 8 Malyan” wareysi.
MaqaalladaWaxbarashada

Faarax Sh. Cabdulqaadir”sanadka 2030-ka dadka wax barta ayaa gaaraya ilaa 8 Malyan” wareysi.

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 13, 2023
5 Min Read
Share

Halkaan waxaan ku soo koobayaa nuxurka wareeysi aad u qiimo badnaa ee uu bixiyey Wasiiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre Faraax Sheekh Cabdulqaadir.

Wareeysiga faham qoto dheer siinaya dadka doonaya in ay wax badan ka ogaadaan heerka Waxbarasho ee dalkeena iyo sida loogu gundhi karo.

Wareegsiga ayaa nuxurkiisa ahaa sidan:-

โœ“ Dadka heerka waxbarshado gaarey dalkeenna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 5,000,000 oo qof, hadda inta waxbarsho aadda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1,000,000 oo qof. 2030 waxaa la qiyaasayaa in dadkaasi ay gaarayaan ilaa 8,000,000 oo qof.

โœ“ Shan Milyan oo arday waxa ay u baahan yihiin 120,000 oo macallin ( Boqol iyo Labaatan Kun)

โœ“ 33,000 oo arday ( Sodon iyo Seddex Kun ) ayaa sanadkaan fariisatay imtixaankii fasallada 8aad iyo 12aad ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

โœ“ Guud ahaan hadda 22,000 oo macallimiin ayaa ka howlgala dalka, in yar ayaa tababar macalinimo qabta.

โœ“ Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya waa 6,000 oo qof, waxaana lagu kordhiyey 3,000 oo macallin oo si rami ah kaga mid noqday shaqaalaha Dowladda.

โœ“ Qofku haddii uu hal sano waxbarto 10% ayaa xaaladda faqriga ee qof ahaaneee aya hoos u dhacaysa, haddii uu 10 sano waxbartana 100% wuu ka baxayaa faqriga.

โœ“ Seddex u jeeddo ayaa qofku wax u bartaa. 1- Waxbarashadu waa waxa ka dhigaya qofka waxa uu noqonayo iyo waxa uu qabanayo mustaqbalka. 2- Waxbarshadu dadka waxa ay bartaa wada noolaanshaha. 3- Sidoo kale waxbarshadu qofka waxa ay usii gudbisaa heerka kale ee waxbarsho.

โœ“ Ujeeddada loo qabtay shirkii qaran ee waxbarsho waxaa ka mid ahaa, in la helo ajande qaran oo waxbarsho; Sida ay u jirto ajande qaran, shirar qaran, ayay sidoo kalena u jirtaa sheeko qaran, waxa ay umaddeennu kaga sheekaysato fadhi ku dirirka ayuu noqonayaa mustaqbalkoodu. Waxbarashadu waa inay noqotaa ajande Qaran oo lawada lee yahay.

โœ“ Dhawaan waxaan rajeyn inaan dib u furno Mac’hadkii macallimiinta ee Lafoole. Sidoo kale waxaannu hirgelin doonaa guddiga horumarinta Manhajka.

โœ“Umaduhu uma jidboodaan waxa la soo dhaafay ama hore u soo mareen ee waxay ujedboodaan waxa soo socda mustaqbalka ah sax maaha in dhallinyaradeen u jidboodaan wixii la soo maray.

โœ“ Hadda waxaa soo socda wadatashi ku saabsan Tacliinta Sarre ee dalka marka la dhammeeyo waxaa la heli doonaa meelaha ku habboon ee laga furi karo jaamacadda umadda iyo jaamacadaha kale ee dowliga ahba.

โœ“ Sannadakan waxaannu go’aaminnay inaannu ka furno 12 dugsi oo farsamo gacanta ah gobollada dalka oo dhan.

โœ“ Wax akhris qoraalka adduunka waxaa laga qiimeeyaa qofka waa afkiisa hooyo. Akhris qoraalka waxa uu qaabeynayaa hab fekerka qofka. Waxaan dhowaan bilaabi doonaa olalaha akhris qoraalka. Qofka wayni wuxuu wax akhris Qoraalka ku baran karaa 80 saacadood ama 8 toddobaad.

โœ“ Arday walba haddii uu masuuliyad iska saaro qoyskiisa gaarka ah dadka aan akhris Qoraalka aqoon in uu wax baro, ardaygaasi waajib wayn buu gutey.

โœ“ Barnaamijka EMS (Education management information system) wuxuu fududaynayaa in lala socdo sooyaalka waxbarsho ee ardayga.

โœ“ waqtigayga ugu badani wuxuu ku baxaa wacyigelin, gaar ahaan kooxda ila shaqaysaa iyo wacyigelinta guud ee bulshada.

โœ“ Umadaha adduunyadu saddex heer ayey midkood ku jiraa Less developed countries, middle developed countries iyo high development countries. Innagu saddexdaas midna kuma jirnee kan ugu hooseeya ayaynu ka sii hoosaynaa.

โœ“ Ardayga jooga dalka uu horumarkiisu hooseeyo qiimaha waxbarshada ee sanadkii ku baxa waxaa lagu qiyaasaa $200. Halka kan ku nool waddamada meel dhexeedka ka ah lagu qiyaaso $1,000 wax ka yar, waddamada horumarayna ardayga waxa lagu qiyaasaa in la geliyo sanadkii $8,000 lacag ka badan. Sidee ayey u sinnaanayaan marka arday sanadkii la geliyo $200 iyo mid la geliyo $8,000 lacag ka badan sidaa darteed si ardaygeenna aynu usoo gaarsiinno heerka koowaad waxaynu u baahannahay sanadkii $1,250,000,000. ( Hal Bilyan Laba Boqon iyo Konton Milyan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025

Dooxa (SONNA): Xulka kubadda cagta Qarankeena Soomaaliya ayaa galabta guuldarro aysan u qalmin kala kulmay…

November 26, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta maxaa ka qabsaday deegaanka Bud-Bud? (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ka goโ€™an in ay gabi ahaanba ka tirtirto Khawaarijta Dalka Soomaaliya meelaha ay kaga sugan yihiin…

GudahaMaqaallada
July 18, 2023

Guutaaleโ€œShacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay howlgalka dib u xorreynta Ceelbuurโ€ (WARBIXIN)

Muddo 15 sano ayay Argagixisadu gumeyn, silac, dulleyn iyo sumcad dil ku hayeen Ummaddeenna, dhulkeena iyo diinteenaba.ย  ,marka in lala…

GudahaMaqaallada
August 8, 2023

Muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya Xubinnimada Golaha Ammaanka (WARBIXIN)

Ka dib markii khamiistii la soo dhaafay ay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 6, 2025

QM oo ku baaqaysa ‘la dagaallanka Tacadiyada Haweenka iyo Ilaalinta Xuquuqda Carruurta’

Xafiiska ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo saaray War saxaafadeed ku aadan Xadgudubka Jinsiga ee…

GudahaMaqaallada
November 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023