Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub
GudahaWararka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 21, 2023
2 Min Read
Share

Brussels-(SONNA)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Madasha Bani’aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo maanta ka furantay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen komishanka Yurub (DG ECHO) iyo Dowladda Iswidhan oo hadda heysa hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa looga hadlay baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha Qaramada Midoobay, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka garagaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ayaa madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, taasoo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda.

Midowga Yurub iyo Dawladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini’aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag. 339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar degdeg ah.

Dagaalka Ukraine, kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada ayaa xaaladda uga sii daray, Madasha Bani’aadannimada Yurub ayaana diiradda saareysa in iyadoo loo marayo wada-hadallo heer sare ah, doodo siyaasadeed iyo aqoon-is-weydaarsiyo wax-ku-ool ah, la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu dambeysa…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Waqooyi bari oo shirguddoomiyey kulan looga hadlay sugidda Amniga Laascaanood

Laascaanood(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa caawa shir guddoomiyey shir looga hadlay amniga magaalada Laascaanood oo ay ka…

GudahaWararka
January 16, 2026

Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda…

MaqaalladaWararka
January 28, 2023

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka…

Wararka
October 9, 2019

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BFJS oo kulan sagootin ah la yeeshay Marwo Anita Kiki Gbeho

MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula…

GudahaWararka
December 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023