Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud
    March 13, 2026
    Wasaaradda Batroolka XFS oo ka hadashay cabashooyinka dadweynaha ee dhanka shidaalka
    March 13, 2026
    Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay
    March 13, 2026
    Gubadley iyo Kaaraan oo u gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartan cilmiyeedka Ramadaan
    March 13, 2026
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Duqa Muqdisho oo maanta furay waddooyin xirnaa muddo dheer
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Duqa Muqdisho oo maanta furay waddooyin xirnaa muddo dheer
GudahaWararka

Duqa Muqdisho oo maanta furay waddooyin xirnaa muddo dheer

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 15, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay saddex waddo oo muhiim ah oo u xirnaa sababo amni dartood. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda hoose ee lagu fududeynayo isu-socodka bulshada iyo gaadiidka caasimadda.

Waddooyinkan maanta dib loo furay ayaa kala ah; Waddada ka baxda Barta Hubinta Garoonka Aadan Cadde ee KM4, ee tagta xaafadda Tiitiinley ee degmada Wadajir, Waddada ka baxda isla jagboyntigaas ee marta buundada Waaberi, Iyo Waddada Beexaani, oo xiriirisa Isgoyska Sanca iyo Istaadiyaha Injineer Yariisow.

Munaasabadda dib-u-furitaanka seddexda waddo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Banaadir, Liibaan Aadan, Taliyaha qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macalin Mahdi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dr. Xasan Muungaab, ayaa sheegay in mashruuca dib-u-furitaanka waddooyinkan uu yahay qorshe qeexaya soo noqoshada kalsoonida iyo xasiloonida magaalada Muqdisho, isla markaana uu qayb ka yahay barnaamijka Dowladda Hoose ee lagu dardargelinayo isu-socodka shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha magaalada.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinkan ay astaan u yihiin guusha shacabka iyo ciidamada amniga ee dalka, kuwaas oo si geesinimo leh u xaqiijiyay in Muqdisho ay si tartiib ah uga xoroowdo isku-dayada kooxaha Khawaarijta ee doonaya inay carqaladeeyaan nolosha bulshada.

Mashruuca dib-u-furista waddooyinka ayaa yoolkiisu yahay in uu fuliyo dib-u-furista 52 waddo, si loo yareeyo ciriiriga gaadiidka, loo fududeeyo adeegyada bulshada, loona kobciyo dhaqaalaha magaalada. Waxaana horey loo furay waddada dhabarka dambe ka marta xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku celiyay ballanqaadkiisa ah in uu si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka si loo xaqiijiyo in caasimadda Muqdisho ay noqoto meel ammaan ah oo nadiif ah oo ay muwaadiniinteeda ku naalloodaan bilic iyo baraare.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud

Cutibyo katiran Ciidanka Gorgor ayaa howlo biyo dhaamin ah u sameeyay qoysas badan oo ku…

March 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Cameroon oo heegan sare galisay ciidamadeeda, si ay uga hortagaan banaanbaxyada mucaaradka

Yaoundé (SONNA)- Dhammaan ciidamada qalabka sida ee dalka Cameroon ee dhaca galbeedka Afrika ayaa heegan buuxa la galiyey 4-cisho oo…

Wararka
September 20, 2020

Xildhibaan Ingiriis ah oo u geeriyooday dhaawaco soo gaaaray

Muqdisho (SONNA)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea ugu…

CaalamkaWararka
October 16, 2021

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Muqdisho.SONNA….1-    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan muhiim ah kula yeeshay Nairobi Madaxweynaha Kenya William Ruto. 2-     Madaxweyne Xasan Sheekh…

Gudaha
April 12, 2024

Maamulka  Minneapolis oo caruurta Soomaalida u sameeyay xarun madadaalo 

Maamulka dowladda hoose ee Magaalada Minneapolis,iyo qaar ka mid ah dadka Somalida ee ku nool Xaafadda Cedar ee Magaaladaasi ayaa…

Gudaha
June 10, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023