Muqdisho,(SONNA):-Wafdi uu hoggaamiyana guddoomiyahaguddiga baarlamaanka Soomaaliya aduunka Saciid Maxamed Maxamuud oo sidoo kale ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta midowga baarlamaannada Carabta ayaa ka qeybgalay shirweyne deg-deg ah ee ay yeesheen Midowga Baarlamaannada Carabta ee 35-aad oo lagu qabtay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad,kaas oo looga hadlayay qadiyadda dhulka falastiiniyiinta ee ay duqaymaha iyo wareerrada ay ka waddeen ciidanka Israa’iil ee marinka Gaza.
Saciid Maxamed Maxamuud oo ka hadlay fadhiga ayaa yiri”Arrinta Falastiin waxay muhiim u tahay dalalka Carabta iyo Islaamka,Laguna canbaareyo gardarrada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso dadka rayidka ah ee aan is-difaaci karin,burburinta guryahooda,ilaha biyaha,korontada iyo marka lagu daro barakicinta qasabka ah ee ay Israa’iil ka Sameyneyso marinka Gaza ee go’doonsan,”
Waxa uu carrabka ku adkeeyay ”In golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu uga mahadcelinaya guddoomiyaasha baarlamaannada Carabta sida ay u ajiibeen baaqa ah in ay u istaagaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen walaalaheen reer Falastiin ee lagu gumaadayo gardarada.”