Muqdisho-(SONNA)- Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Bulshada Soomaaliyeed iyo Eheladii ay ka geeriyootay Almaas Elman Cali Axmed, oo Shalay lagudilay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Marxuumad Almaas Elman ayaa ahayd Gabar daโyar oo u ololeysa nabadda iyo xuquuqda Aadanaha, isla markaana aheyd Diblumaasi Soomaaliyeed oo kasoo shaqeysay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay dilka Almaas Elman, iyadoo kasoo saartay war Saxaafaeed arrimaasi ku aaddan.
Hoos ka aqriso war saxaafadeedka:-