Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka
    February 14, 2026
    Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga
    February 14, 2026
    Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga
    February 13, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 13, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis ababa kaga qayb gelaya shirka madaxda Afrika
    February 13, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland
WararkaWargayska

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 27, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, Midowga Jasiiradaha Qumooros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambia, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Jamhuuriyadda Ciraaq, Dawladda Kuwayt, Dawladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Federaalka ee Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Falastiin, Dawladda Qatar, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:

1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Diseembar 2025 u sameysay gobolka “Somaliland” ee ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

2. Cambaarayn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, isla markaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Israa’iil leedahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leexleexad lahayn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qaybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhexeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad…

February 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa ku soo dhaweeyay xafiiskiisa safiirka dowlada…

GudahaWararka
October 8, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay siyaasiyiinta iyo wax garadka Maxaas

Maxaas-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaankaas,…

GudahaWararka
September 6, 2023

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.…

GudahaWararka
January 3, 2024

Shirkadda Beco oo Cisbitaalka Martiini geysay adeegyo koronto oo lagula tacaalo Covid-19

Muqdisho.(SONNA)...Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo kaashaneysa Shirkadda Korontada ee Beco ayaa maanta Cisbitaalka Martiini geysay koronto lagu xoojinaayo…

Wararka
April 23, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023