Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Daa’uud Aweys oo la kulmay Danjire Justin Davis
    April 15, 2026
    Hawlgal lagu laayey maleeshiyaad Khawaarij ah oo ka dhacay Hiiraan iyo Baay
    April 15, 2026
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulam muhiim ah la yeeshay Dalladda SORECA
    April 15, 2026
    Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay ku dhawaad 60 Khawaarij ah
    April 15, 2026
    Wasiir Daa’uud “Barnaamijka dhir-beerista waxaa uu qiimo badan u leeyahay arrimaha deegaanka iyo qaranka”
    April 15, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!
Maqaallada

DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!

By Agaasimaha SONNA
Last updated: April 18, 2021
5 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)-Garashadu waxay na leedahay ”Sooyaalka iyo dhacdooyinka la soo maray waa kuwa mudan in la milicsado, markasta oo ay soo  baxaan ififaalooyin dhacdooyinkii la soo maray shabbaha”.

Inkastoo aan la tirakoobin dadka Soomaaliyeed, haddana malaha loo badan yahay ayaa ah, in da’yartu ay dalka ku badan tahay. Dad badan ayaa weliba ku dhiirada in ay yiraahdaan 70 % dadka Soomaalidu waa kuwa da’ ahaan kayar 30 sano. Si kastaba ha ahaatee waxaan muran ka taagnayn oo aanay labo Cali isweydiinayn, in dhallinyaradu ku badan dalkeenna.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee tiradaas leh waxaad mooddaa in ay u dhega-nugul-yihiin  maaweelooyinka Siyaasiyiintu ku beer-laxawsato oo ah, in dhallinyaradu ay tahay mustaqbalka dalka, hoggaamiyayaasha mustaqbalka iyo milkiilayaasha dalka.

Inkastoo aan anigu hadda ka sii baxayo qaanadda dhallinyarada, haddana waxaan sannado kooban hortood u soo joogay welina ii muuqda dhallinyaro sida hawtul-hamagga ugu daata dabka loo shido dano qabiil ama siyaasadeed, dhallinyaradaas oo kuwii dhintay aan ehelkooda iyo haddii uu awlaad ka tegeenba la daryeelin, kuwii dhaawacmayna ay dhaxlaan dhutin iyo naafannimo aanay cidi ugu garaabin.

Marka aad guud ahaan Soomaaliya dhan kasta ka eegto, waxaad arkaysaa dhallinyaro iyo carruur Soomaaliyeed oo horin-horin uga qalin-beddalanaya goobaha waxbarashada Diiniga ah iyo kuwa madaniga ah, taas oo ka dhigan in waalidiniintu dareemeen faa’iidada waxbarashada, nafaqaynta iyo korinta carruurta ka sokowna ay u darbadeen soo saaridda dhallinyaro waxbaratay.

Inkastoo aanay dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed helin fursad waxbarasho, haddana waxaa muuqata in tiro badan ay tacliinta gurteen welina guranayaan. Sidaas darteed waxaan isweydiinayaa, sababta aanay dhallinyaradaas saamayn ugu yeelan karin qaab-dhismeedka iyo habsami-socodka mustaqbalkooda? Ma waxay la’yihiin dad horseed iyo tusaale u noqda? Haddii aan anigu isu jawaabo, waxaan leeyahay ” haa iyo maya”.

Anigoo u daadegaya dulucda dooddayda ku saabsan jawaabaha iska soo horjeeda ee aan hal su’aal ka bixiyay ayaan waxaan ku billabayaa jawaabta ah ”haa” oo u dhiganta indhallinyardu ay la’yihiin dad horseed iyo tusaale u noqda. Marka loo eego baaxadda dalka iyo dhibaatada isku nooca ah ee ay dhallinyaradu qabto, waxaa cad in aanay jirin dhallinyaro ficil ahaan u soo baxday ifinta waajibka dhallinyarada saaran iyo tusidda dhallinyarada muhiimadda ay leedahay in ay qaateen go’aanno ay aayahooda uga talinayaan, ay ku diidayaan colaadaha, ay saamayn ugu yeelanayaan hoggaanka deegaannadoodu, dalkooda, nabadda iyo xasiloonidana ay horseed ugu noqonayaan.

Jawaabtayda kale ee ah ”maya” ayaan markanna u qiil-samaynayaa: Waxaan hubaan in deegaan kasta oo Soomaaliya ku yaal ay joogaan dhallinyaro baraarugsan oo og in qabyaalad iyo colaadi aanay dhib mooyee dheef lahayn, balse dhallinyaradaas ayaa u badan kuwa si kooban oo lagu sifeyn karo ”aashuun ku addin” u soo gudbiya afkaartooda. Sidaas darteed, waxaan dhallinyaradaas leeyahay ”bannaanka keena afkaartiina kuna dara hadalkiina ficil (ficilku ma ahan dagaal ee waa tusaale cad oo lagu muujinayo sida aragtida waxqabad loogu beddeli karo).

Hadda iyo dan: Waxaan tiro shan jeer ka badan daawaday muuqaal warbaahinta bulshada lagu baahiyay oo uu nin dhallinyaro ah kula hadlayay dad dhallinyaro, odayaal, nabaddoonno iyo culumaa’uddiin isugu jiray. Ninka dhallinayarada ah ee muuqaalkaas ka hadlaya waa Cabdiraxmaan Yuusuf (Alcadaala), Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska. Hadalka wasiirkan da’da yar marka aan dhegeystay ayaan go’aansaday in aan maqaalkan qoro.  Marki uu hadalkan jeedinayay wasiirku wuxuu hawlo dhexdhexaadin iyo nabadayn ah u joogay deegaan ay dad walaalo ah ku dagaaleen.

Guntii iyo gunaanadki; Da’yaroow, haddii aad doonayso tusaale ku dhiirigeliya bal ila daawo hadalka wasiirkan dhallinyarada ah: https://www.facebook.com/cabdiraxmaan.yusufcadaala/videos/2261303594004381

Dhallinyarooy ogaada, in geesinimada dhabta ah aanay ahayn qof la dilo iyo dagaal la galo. Geesinimada dhabta ah waa in la qiro khaladki lagu dhacay, laga qoomameeyo khaladkaas kaddibna la iska diido in dib loogu laabto khaladkaas.

In la dhinto dhimashada horteed waxaa loola jeedaa, in qofku qaadan waayo doorkiisa uu dunida ku leeyahay isagoo awooda, sidaas darteed Dhallinyarooy ha dhimanina geeridda horteed!

W/Q: Cabdi Muuse Macalin https://m.facebook.com/may.muuse

Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Daa’uud Aweys oo la kulmay Danjire Justin Davis

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan…

April 15, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal…

GudahaMaqaalladaWararka
February 16, 2026

Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA)--Todobaakii la soo dhaafay waxaa Dowladda Soomaaliyed iyo Shacbigeedaba u qabsoomay waxyaabo badan oo kor u qaadaya masiirka Umadda Soomaaliyed,…

GudahaMaqaalladaWararka
January 31, 2023

Qofkii aad dhahdo Asalaamu Caleykum, wuxuu qaadayaa dareen cabsi ah (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Asalaamu Caleykum macno ahaan waa duco, waana suno, waana ay wanaagsan tahay in qof kasta, qofka kale ku salaamo,…

GudahaMaqaalladaWararka
March 5, 2023

5-dhibaato oo Khawaarijta ay ku haayaan dadka ku nool deegaannada fara ku tiriska ee ay ku harsan yihiin: (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Tan iyo soo ifabixii Khawaarijta Al-shabaab waxay hareeraha ku wateen dhibaatooyinka ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed. Haddaba waxaan si…

Maqaallada
April 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023